|
Saanad hub ah oo lagu siday diyaarad ayaa xalay uga soo degtay
dowladda KMG ah garoonka diyaaradaha Ballidoogle oo bilahanba
u xirnaa is haysad ka dhex aloosan maliishiyooyinka ka taliya
garoonka. Hubka, waxaa lagu soo qaaday 12 gawaarida qaada
xamuulka, iyadoo ay galbinayeen 30 gaari oo kuwa tiknikada
ee dagaalka ah.
Lama
oga halka lagu dejiyey hubka iyo meesha uu ka yimid, hase
ahaatee warar milateriga quseeya ayaa caddeynaya in laga keenay
saddex dal oo aan la carrabaabin. Saraakiil ka tirsan dowladda
KMG waxa ay ii sheegeen in shixnado kale ay jidka ku soo jiraan.
Gawaaridii saanaddu ku rarnayd markii ay soo gaareen agagaarka
Ex. Koontarool waxaa rasaas ku furay maliishiyooyin ay u tiillay
jidgooyo halkaas. Wax dhimasho ah lama soo sheegin, laakiinse
laba nin oo ka tirsanaa ciidammadii shixnadda la socday ayaa
ku dhaawacmay halkaas.
Dhinaca
kale, saddex ruux ayaa naftoodii ku waayey, afar kalena dhaawacyo
ayaa ka soo gaaray dagaal maanta gelinkii hore ku dhex maray
degmada Kaaraan maliishiyooyin u kala daacad ah hoggaamiye
kooxeedka Muuse Suudi iyo Cabdiraxmaan Shifti oo ah siyaasi
horey La-taliye ugu ahaan jiray hoggaamiye kooxeedkii siyaasadda
ka fariistay, Cali Mahdi Maxamed.
Dagaalka
oo ka billowday canshuur uu Muuse Suudi toddobaadkan ku soo
rogay suuqa degmada Kaaraan waxa uu anfariir ku riday dadkii
deggenaa goobihii lagu diriray.
Dadka
ka ganacsada suuqa iyo maliishiyada Cabdiraxmaan Shifti ayaa
si adag uga soo horjeeda canshuurtan. Sarkaal u hadlay kooxda
Muuse Suudi waxa uu beeniyey in dagaalku uu dhex maray maliishiyadooda
iyo maliishiyada Cabdiraxmaan Shifti.
Waxa
uu sheegay in maliishiyooyin iyaga ka tirsan ay isku dheceen.
Ma ahan markii ugu horreysay ee maliishiyooyinka labada nin
ay dagaal isaga hor yimaaddaan.
|