|
Nairobi 1st November 2001
Report prepared by Banadir.com
Madaxweynaha
Kenya Danial Arab Moi ayaa maanta (1/11/2001) si rasmi ah
uga furay Hoteelka Inter-Continental ee magaalada Nairobi
shir lagu heshiisiinayo Dawladda MKG ah iyo Hogaamiye Kooxeedyada
mucaaradka ku ah ee ku bahoobay golaha SRRC, isagoo ku booriyay
hogaamiyayaasha soomaalida inay ka heshiiyaan khilaafaadkooda,
waayo ummadda Soomaliyeed waxay ka daaleen dagaalka iyo dhibaatada
Dawladd la'aanta leedahay .
Waxaa
markaa kadib ka hadlay shirkaa Madaxweynaha Dawladda KMG ah
Cabdiqassim Salaad Xasan oo uga mahad celiyay Dawladda Kenya
gogosha ay maanta u fidisay dadka Soomaalida, isagoo isna
sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahal la galo kooxaha mucaaradka.
Dhanka golaha SRRC waxaa u hadlay Mawliid Macaana Maxamuud
oo ka sheegay shirka inay diyaar u yihiin hawlaha nabadeynta
iyo sidii loo dhisi lahaa Dawlad loo dhan yahay . Waxaa shirkaa
ka soo qaybgalay madax badan oo Dawladda Kenya, uuna ku jiro
Madaxweyne Ku-Xigeenka, Wasiirka Caafimaadka iyo xubna ku
jira Baarlamaanka wadanka Kenya .
Waxaa shirka ka maqnaa Hogaamiye Kooxeedyo ku jira golaha
SRRC oo iminka ku sugan dalka Ethiopia, ayna ka mid yihiin
Xuseen Ceydiid, Muuse Suudi, Col. Shatiguduud , iyo qaar kale
.
GALAYDH
OO KU NOQONAYA MUQDISHO!
Washington
DC- 1st November 2001
Report Prepared by Banadir.com
Ra'iisul
Wasaarihii hore ee Dawladda KMG ah Cali Khaliif Galeydh ayaa
u sheegay maanta bbc-da inuu ku qanacsan yahay go'aankii uu
Baarlamaanka kala noqday kalsoonida Dawladiisa todobaadkii
hore, walow uu jeclaan lahaa in codka kalsooni noqoshada uu
dhaco isagoo dalka ku sugan ,laakiinse uu qirsan yahay in
Baarlamaanku xaq u leeyahay tallaabada uu ku dhaqaaqay , ayidsan
yahayna go'aankooda , waayo waxay bilaw fiican u tahay dimuquraadiyadda
dalka .
Wuxuu kale oo uu sheegay inuu hawlo badan oo muhiim ah oo
looga qancinayo xubnaha golaha ammaanka sidii taageero loogu
fidin lahaa Dawladda KMG ah inuu soo qabtay, iminkana uu ku
guuleystay in Qaramada Midoobay ay go'aamiyeen in wefdi hubinaya
nabadgelyada loo diro dhowaan Muqdisho , inkastoo maamulka
Mareykanka aad moodo inay ka maagayaan xaalkeena .
Wuxuu
kaloo sheegay inuu balamo la xiriira arrinka Somalia kala
yeeshay Wasaaradda Dibedda iyo xubno ka tirsan Aqalka Sare
ee Senat-ka iyo ka wakiilada, si wanaagsana ugu guuleystay
inuu ka dhaadhiciyo arrimaheena .
Wuxuu ugu danbeyn Cali Khaliif carabaabay inuu mar kale sii
mari doono Xaruunta Qaramada Midoobay ee New York, si uu ugu
mahad celiyo Xoghayaha Guud iyo wakiilada dalalka Carabta
iyo dalalka Yurub u joogo New York, oo uu ugu horeeyo Danjiraha
Norway gacantii ay siiyiin qadiyadda Soomaliya , isagoo isla
markaana jecel inay is-arkaan madax ka tirsan Xukuumadda Kanada
, intii aanu ku laaban Muqdisho , si uu xilka u wareejiyo
|