|
Nairobi(14th August 2002) By Banadir.com
Guddiga farsamo ee dalalka IGAD u qaabilsanaa arrimaha xog-baarka Soomaaliya ayaa soo gebegebeeyay socdaal ay ku soo mareen wadanka Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka, iyagoo u gudbiyay warbixintooda Dawladda Kenya .
Sidaas awgeed, waxay Xukuumadda Kenya ku dhawaaqday maanta in shirka nabadeynta Soomaaliya lagu qaban doono 16ka bisha soo socoto ee September magaalada El-dorreyd oo 300 km u jirta magaalada Nairobi.
Shirkaa oo loo qoondeeyay inuu socdo muddo laba todobaad ah , hadii loo baahdana waqti dheeraad ah lagu kordhin doono, waxaa lagu casuumi doonaa inay ka soo qayb galaan shirka tiro dhan ilaa iyo 300 oo qof . Wufuudda ka soo qaybgaleysa shirkaana waa inay marka hore iska diiwaan geliyaan magaalada Nairobi 12ka September 2002
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne Danial Arab Moi uu u saaray arrinka Soomaaliya Mr. L. Mangala ayaa caddeeyay in loo baahan yahay in la taakuleeyo Somalia, waayo xaaladda dalkaa ku sugan yahay waa mid uur-ku-taalo leh oo fool xun, qof kasta oo tagana uu ka naxayo.Waxay Guddigaas farsamo oo tagay Somalia laba jeer la kulmeen siyaasiyiinta, hogaamiye kooxeedyada, dawladda KMG ah iyo bulshadaba, iyagoo isla markaana soo booqday magaalada Adis Ababa ee Dalka Ethiopia .Danjire Cabdulaziis Ahmed Aden oo ah ergayga Ethiopia u xilsaartay arrimaha Soomaaliya ayaa isna muujiyay inuu rajo wanaagsan ka qabo qabashada shirka nabadeynta Soomaaliya , isagoo ka filayo natiijo wax ku ool ah oo ummadda soomaaliyeed wax u tara .
|