| ASALAAMU
CALEYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU. Dhamaan
Jaaliyada Somaaliyeed ee ku nool TORONTO IYO HARERAHEEDA , waxaa la ogeysiinayaa
in laqabandoono shir lagu taageerayo Dowlada iyo Qarannimada Somaaliyeed, mahadnaq
walaaliha reer Jabuuti iyo sida ugu haboon ee jaaliyada Somaaliyeed ay uga qeybqadankarto
dib udhiska Dalkeeni hooyo. SHIRKAN
WAXAA KA HADLI DOONO. 1)
Aqoonyahan, Ahmed Dahir Shell, oo ahaa lagudoomiyaha Gudiga farsamada Shirkii
Socdaalka Nabadraadinta ee laguqabtay Carta Jabuuti. Wuxuu ka hadli doonaa xalada
Guud ee Somaaliya iyo mowqifka wadamada Jaarka nala ah, Sida Itoobiya.
2) Roy Cullen Mp, wuxuu ka hadli doonaa mowqifka Dowlada Kanada ee ku saabsan
Somaaliya. 3)
Musharixiinta Somaaliyeed oo kala ah. Dr, Cabdi Culussow.( Trustee), Mr, Xassan
Abtidoon (Trustee) iyo Mahdi Cabdiramaan ( Councillor). 4)
Dr, Maxamed Saciid iyo Waxgarad kale, Culumada Diinta, Mas'uliyiin kale oo muhiim
ah lana filayoin ay imaan donan, waxaa kale oo Heso wadani ah soo bandhigi doono
Kooxda Shegow. Shirkan
waxaa soo qabanqaabiyey Shaqalaha Somaaliyeed ee ka shaqeya Toronto Airport iyo
Magalada qeybaheeda kala duwan.
Waxaa halkaas ku diyaar noqondoono CUNTO IYO CABITAAN FUDUD, oo ay nagu tabaruceen
Qaar ka mid ah Dumarka Somaaliyeed.
Waxaa Jaliyada laga codsanayaa in si wanaagsan looga soo qeybgalo shirkan, si
loo muujiyo DAREENKA NABADA, MINIMADA iyo RABITAANKA DOWLADNIMO. Shirka
wuxuu ka dhici doonaa Magaladan Toronto. 380 The West Way (Kipling School) Agagaarka
xafada Dixon. Nov 11/2000 5:00 Pm To 10:00 Pm MAHADSANIDIIN. Somaaliyey
kala dooro (QARRAN IYO QABIIL) Wixii
Fariin ah ku dhaaf, Tell 416, 246-1698 |