|
Jowhar,26th Dec.2005
By Banadir.com
Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya dalka Kenya Mudane Guo Chongli ayaa shalay subax soo gaaray Xaruunta Dawladda Federaalka ee magaalada Jowhar.
Danjiraha Shiinaha oo horkacayay wefdi khubaro iyo ganacsata isugu jira, waxaa uu isla shalay kula kulmay magaalada Jowhar madaxa Golaha Wasiiradda Dawladda Federaalka Mudane Dr. Cali Maxamed Geedi.
Kulanka Ra'iisul Wasaaraha iyo wefdiga dalka Shiinaha ayaa ahaa mid saxaafadda ka xeran, hase ahaatee Ku-Xigeenka Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay shirka kadib in labada dhinac isla soo qaadeen sii xoojinta xiriirka labada dal , gaar ahaana sidii dawladda Shiinaha uga qayb qaadan lahayd taakulenta dawladda KMG ah ee Federaalka ah ee Soomaaliya.
Waxaa kaloo ujeedada wefdiga Shiinuhu ahaa sidii ay uga furan lahaayeen Safaarad dalkooda matisha magaalada madaxda kmg ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed. Waxaa wefdiga Danjiraha Shiinaha horkacayay ay la kulmayaan shalay galab Madaxweyne Cabdullahi yuusuf Axmed.
|