|
MOGADISHU,17/03/2004
BY BANADIR.COM
Ku-simaha Ra'iisul wasaaraha Dowladda KMG ah Dr. Xuseen Xaaji Bood ayaa ku qaabilay shalay magaalada Muqdisha afar Safiir oo dalka Soomaaliya uga fadhiya dalalka Khaliijka, kuwaas oo uga bilaabmay Xamar seminar u socon doono muddo todobaad ah . Safiiradaa oo kala Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga Axmed Cabdalla Maxamed, Danjiraha Soomaliya u fadhiya Imaaraadka Xuseen Maxamed Bulaale , Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kuwait Cabdulqaadir Aamiin Sheekh iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Qadar Shariif Maxamed Cumar .
Waxaa seminaarkaa loogu bandhigi doonaa Safiirada xaaladda dhabta ah ee dalku ku sugan yahay iyo laxaadka uu qabo burburka gaaray wadanka, iyo sida loogu baahan yahay inay ugu dadaalan Safiirada sidii kaalmo dhaqaale oo deg-deg loogu heli lahaa hawlaha dib-u-dhiska qaranka Soomaaliya.
Sida dhabtu tahay, wuxuu seminaarkan ku soo beegmay xilli Dawladda KMG ah ay aad ugu baahan tahay inay soo celiso sumcaddii iyo kalsoonidii iyo fursaddii qaaliga ahayd ee ay lumisay saddexdii sano ee micna-darada ku soo dhaafay, ayadoo aan haba yaraatee waxba qaban . Wuxuu gaar ahaan muhiim ugu yahay inay u muujiso dunida dhismaheeda waqtigan xasaasiga ah ee lagu jiro, ee la isugu diyaarinayo ka-qayb galka wajiga saddexaad ee shirka nabadeynta Soomaalida, oo lagu qaybsan doono awoodda maamulka dalka.
|