Warsaxaafadeed oo ay soo saareen xubno Somali ah oo ka tirsan xisbiga social demokradiga ee dalka Sweden.
110404 Sweden scandanevian
http://www.ssup.org
info@ssup.org
Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey magaalada Katarinholm shir labo
maalmood uga socday Somalida ka tirsan xisbiga socialdemokradiga ee wadanka
Sweden, shirkaas oo looga wadahadlaayey sida ay u sameyn lahaayeen urur guud oo
mideeya Somalida degan wadankaan oo aaminsan fikrada socialdemokradiga ah.
Shirkaasi xubnaha ka soo qeeb galay waxay ka kala yimaadeen magaayinka
ay ka koobantahay wadanka Sweden sida Stockholm, Gothenberg, Flen, Vanesrborg,
Örebro, Katarinholm iyo kuwa kale oo aan halkan lagu soo koobi karin, xubnahii
ka soo qeeb galay oo isu jiray aqoonyahano iyo xubno aad ugu firfircoon xisbiga
socialdemokradiga ee wadankan Sweden oo hogaanka u haya xilgan aanu ku jirno.
Waxyaabaha halkaasi lagu falanqeeyey waxay ahaayeen afkaaro kala duwan
oo dooda farabadan dhayiyey, waxaan ka mid ahaa sidatan:
Xubnihii halkaasi ka soo jeediyey doodaha dhaxalgalka ahaa waxaa ka mid
ahaa:
1.
Yaasiin Maaxi
2.
Cabdirisaaq Aden
3.
Iker Amin
4.
Maxamed Xassan Dhaqaale
5.
Ismahaan Cabdullahi Xassan
6.
Barliin Maxamud Cadaawe
7.
Cabdicasiis Cilmi
Waxaa halkaasi goobjoog ka ahaa wariyayaasha Somaliweyn.com iyo Radio
Ileys oo nooga soo diraayey qoraalo iyo wareysiyo farabadan oo aad dhawaan kala
socondoontaan websideka uruka SSUP, somaliweyn iyo websideyada somalida.

|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Waxii Faahfaahin iyo Su'aalaad
waxaad kala soo xiriiri kartaa
info@ssup.org