|
Muqdishu Times - Muqdisho Dec. 30. 2002
Gaari ay la socdeen lix sarkaal oo Itoobiyaan ah ayay koox dabley ah tacshiirad ku fureen ka gadaal markii ay jiireen goob ay isbaaro u taalay oo ah meel 4-km u jirta Gaalkacyo.
Saraakiisha Itoobiyaanka ah oo ay Idaacadda Gaalkacyo ku sheegtay in ay ku sii jeedeen Garowe ayaa dhacd-adan darteed dib ugu soo laabtay Gaalkacyo.
Taliyaha ciidanka Daraawiishta Gaalkacyo Daahir Barre ayaa sheegay in burcadii falkaasi geysatay baadi goob loogu jiro, wuxuuna intaas ku daray in la tuhmayo goobaha ay ka imaan karaan, waana markii ugu horeysay oo saraakiil Itoobiyaan ah ay kula kul-meen Deegaanka Puntland oo ay horey u aamisananaayeen goob uu ka taliyo Col. C/laahi Yuusuf Axmed amaankeeda uu yahay mid la isku haleyn karo, Idaacadda Gaalkacyo ma sheegin cid wax ku noqotay tacshiiradda lala beegsaday saraakiisha Itoobiya ee u kala gooshayay Gaalkacyo iyo Gorowe.
Guddoomiyaha maamulka Gobolka Mudug ee maamulka Col. C/laahi Yuusuf ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid laga naxo oo waji gabax ku ah maamulkooda Gobolka Mudug iyo ciidamada Amniga waxeyna dalbadeen in la soo qabto koo-xdaas
|