|
Hargeysa - Wasiirka Cadaalada ee Somaliland Axmed Cali Casoowe ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Rayaale Cafis u fidiyay gabadha la yidhaah Samsam Axmed Ducaale oo hore Maxkamada gobolka Hargeysa ugu xukuntay xadhig 5 sano ah.
Mudane Axmed Cali Casoowe ay shir jaraa'id ku sheegay in cafiskani ka dambeeyay Codsi gaar ahaaneed oo ay ku dalbanayso cafis loo fidiyo oo ka yimid Samsam Axmed, sidaa awgeedna madaxweynuhu cafis u fidiyay.
Mudane Axmed Cali Casoowe waxa kale oo uu shirkiisaa jaraa'id ku sheegay in xeer Nidaamiye cusub loo samaynayo hay'adaha Xuquuqul Insaanka u dooda ee dagan Wadanka Somaliland, taaso aa noqonaynin mid cadaadis lagu saarayo hawshooda shaqo, balse waxa uu shegay in Samaynta xeerkani ay ka dambaysay sida ay hay'adahaasi ugu been abuureen wararkii ay ka fidinayeen xadhigii Samsam Axmed Ducaale oo aan xaqiiqada ku salaysnayn oo lagu duwaayo dariiqii dacwadu lahayd.
Xariga Samsam Axmed ayaa ku noqday xukumadda Somaliland arin qalafsan oo kiciya buuq iyo sawaxan ka dib markii hay'adaha u dooda Xuquuqul Insaanka iyo idaacadah dunidaba ay ka bixiyeen fasiraad ka duwan tan uu kuu mudacayay Mudane Axmed Cali Casoowe oo ahaa in ay basaasnimo ka waday gudaha Somaliland.
|