|
Mogadishu,14th June 2004,
By Banadir.com
Roobabkii xilliga gu’ga oo sanadkan si aad uga soo daahay waqtigii uu da'i lahaa ayaa wararka na soo gaaraya sheegayaan inuu si wanaagsan uga bilowday meelo badan oo ka tirsan gobolda Banadir, Bay iyo Shabeelooyinka.Magaalooyinka Muqdisha,Balcad,Qoryooley,Jowhar,Janale iyo Buula-Burte iyo nawaaxigooda ayuu si lixaad leh uga da'ay todaabkii na soo dhaafay.
Waxayna wararka naga soo gaaraya goobaha aanu soo xusnay noo xaqiijiyeen in uu yaraa khasaaraha uu roobabkan u geystay Dadka iyo duunyadaba , iyadoo ay beeraleyduna durbadiiba bilaaban hawlahooda la xiriira beer-abuurka .
Guud ahaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banadir iyo nawaaxiga magaala madaxda Muqdisha ayaa si aad u heshay roobab lixaad leh ,taas oo bishaaro u ah inuu sanadkan u noqdo beeraleyda iyo xoola-dhaqatada Soomaaliyeed sanad barwaaqo .
|