|
Mogadishu,9th November 2004
By Banadir.com
Roobab lixaad leh oo beryahanba ka da'ayay gobolo badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan, ayaa laga cabsi qabaa inay u geystaan khasaarooyin baaxad weyn shicibweynaha iyo hantidooda.
Goobaha uu sida weyn uga da'ay roobkan waxaa ugu horeeya gobolada Shabeelaha Dhexe,Hiiraan,Banadir,Galguduud iyo Shabeelaha Hoose . Magaalooyinka Jowhar iyo Belet-Weyn oo labaduba uu maro webiga Shabeele, ayaa la soo sheegay in daadkii biyaha ay qarqiyeen xaafadaha labadaa magaalo.
Guryaha dadweynaha ee ku yaalo xaafadaha labadaa magaalo ayaa qaarkood laga qaxay daadadka roobkan awgii, waxaase nasiib wanaag ah in ilaa iyo hadda aanay jirin dad wax ku noqday roobkan .
Inkastoo roobka si weyn loogu baahan yahay, oo nolosha dadka iyo xooluhuba ay ku xiran yihiin, gaar ahaan waqtigan la joogo oo ganacsatada xoolaha isu diyaarinayaan xiliga xajka, ayaa misana waxaa marag ma-doonto ah oo dalka ka maqan gacantii dawladnimo ee u gurman lahayd dadka iyo duunyada, marka ay sidan oo kale dhibaato ku timaado.
|