Web Hosting
Latest News
BBC Somali 18:00

BBC Somali 14:00 BBC Somali 11:00 BBC Somali 04:00
Topic of the week
Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Chat Room

Djibouti Conference

BALCAD (TAY-TAYLEEY) Waa Magaalo Qadiim ah! M.M.AFRAH - JOURNALIST OF THE YEAR 2005 Editorial: Simple Solution: No to Ethiopians, Yes to AU troops

M.M.Afrah's Books
  

0rder M. M. Afrah's book
THE SOMALI TRAGEDY
THE GANG RAPE OF A NATION. Mr. Afrah is a skillful writer and innovative storyteller. CLICK HERE FOR THE REVIEWS AND HOW TO ORDER THE BOOK.

Previous News

Jan 07 News
Dec 06 News
Sept-Nov 06 News
May-July 06 News
March-May 06 News
Jan-Feb 06 News
Nov-Dec 05 News
Sept-Oct 05 News
July-Sept 05 News
May-June 05 News
April 05 News
Feb-March 05 News
Jan 2005 News
Nov-Dec 04 News
Sep-Oct 04 News
Aug 04 News
July 04 News
June 04 News
May 04 News
April 04 News
Mar. 04 News
Feb. 04 News
Jan. 2004 News
Dec. 2003 News
Nov. 2003 News
Oct. 2003 News
Oct. 2003 News
Sep. 2003 News
Aug. 2003 News
July 2003 News
June 2003 News
May 2003 News
April 2003 News
March 2003 News
Feb 2003 News
Jan 2003 News
Dec 2002 News
Nov 2002 News
Oct 2002 News
Sep 2002 News
July 2002 News
May 2002 News
April 2002 News
March 2002 News
Feb. 2002 News
Jan 2002 News
Dec 2001 News
Nov 2001 News
Oct 2001 News
Sep 2001 News
Aug 2001 News
June 2001 News
July 2001 News
May 2001 News
April 2001 News
March 2001 News
Feb. 2001 News
Jan. 2001 News
Dec. News
Nov. News
Oct. News
Sept. News
August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News


Maxkamadaha Islaamiga ah: Roma hal maalin kuma aysan dhismin
W.Q Cabdirashiid Caalim
E-mail: reshidi@yahoo.com

Waxyaabaha ay diinteenna sharafta lihi la gaar noqotay isla markaana lagu ammaano ayaa
waxa ka mid ah waxa la yiraahdo "Al-tadarruj" oo macnaheedu yahay kala horraysiinta
arrimaha ama go?aamada.

Qur'aanka kariimka ah oo ah masdarka koowaad ee mudan inay muslimiintu ka soo xigtaan hab
dhaqankooda ayaa waxa uu tilmaamayaa in markii laga reebayay muslimiinta khamriga in la
marsiiyey marxalado kala duwan. Markii hore waxa lagu tilmaamay in dhibkeeda iyo
danbigeedu ka badan yihiin waxtarkeeda ama nafcigeeda. Markaas kadib waxa lagu amray
Muslimiintu inaysan salaadda u dhowaan ayaga oo sakhraansan. Ugu danbeyntiina, waxa la
faray dadka Muslinka ahi inay khamriga ka fogaadaan sideedaba maadaama ay camal shaydaan
oo wasakhaysan tahay.

Haddaba Ilaahay Subxaanahu watacaalaa oo cid ka awood badani aysan jirin ayaa waxa u
darsigaas noogu dhigay in ay muslimiintu arrimahooda u dhowrtaystaan ayadoo la is farayo
samaha xumahana la iska reebayo, taasna loo marayo tubta uu Alle jideeyay oo ah kala
horraysiinta. Waa in dacwada la hormariyo inta aan wax walba la xeerin.

Shacabka Soomaaliyeed oo waa Muslimiin. Waxaanse ognahay inay daashadeen dagaallo sababay
inay jiil dhan garan waayaan waxa la yiraahdo nidaam iyo kala dambayn, iyo xaaraam iyo
xalaal. Isla markaana, waxa ay jiilkani la kowsadeen adduunyo qofku waxa uu doono
samaynayo oo wax hagaya ama wax celinayaa toona aysan jirin.

Taas waxa ka sii daran in jiilkaas kii ka horeeyay laftiisu illaaway wixii samaha ahaa
maadaama ay xummaantu baahday. Sida darted, waxa la dhihi karaa dadku waxay ay si aan
ku-talo-gal aheyn ay ula wada qabsadeen waxyaabo liddi ku ah diinta, dhaqanka suuban iyo
horumarka bani-aadamka.

Dabcan, waa waajib diini ah in lagu dhaqmo diinta Islaamka, waana mid aan cid ka
gorgortami kartaa jirin. Waxaase sidoo kale waajib diini ah ayadana in mujtamaca la
kasbado, islamarkaasna hab ama si ay wax u qaadan karaan loogu sheego. Taas waxan ula
jeedaa in wacyi gelintu ay ka horreyso in la soo rogo qawaaniin dadka dan u ah balse
aysan garanayn inay dan u tahay. Waxaan leeyahay waa in la qanciyo dadka si ay iyagu
dhaqankooda u baddelaan.

Sida caadada ha, qofku waxa uusan garanaynin waxa uu kala horyimaadaa diidmo qayaxan,
wanaag kasta oo ay leeyihiin. Maxkamadaha Islaamiga ah way ku ku ammaanan yihiin amniga
ay ku soo dabbaaleen Caasimadda iyo meelaha ay ka taliyaan, waana ay ku mahadsan yihiin
dadaalkooda weyn. Ha yeeshee, waa inay ku dadaalaan inay la saaxiibaan dadka
Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda ku dhaqan gobollada ka baxsan caasimadda sida
Jubbooyinka. Dhacdooyinka ka dhacaya meelaha ka baxsan caasimaddu waxa ay fursad siin
karaan dadka diidan in la hirgeliyo shareecada Islaamka.

Waxaa habboon in oodo-dhacameed sida ay u kala sarreeyaan loo kala qaado. Markii aad
ummad xumaan ka reebtana waa in aad u sahli karto siyaabo kale oo xalaal ah oo ay
noloshooda kula soo bixi karaan.

Hadii taas la waayo waxa imanaysa in qofkii uu ku fekero sidii uu uga hortagi lahaa
howlaha ay wataan nidaamkan soo kordhay. Taasna wax dan ah uguma jirin maxkamadaha
curdunka ah ee la hardamaya hagardaamooyinka waaweyn ee uga imanaya dibadda.

Aniga oo soo gabagabaynaya qoraalkan, waxaan kula talinayaa hoggaanka maxkamaduhu inuu
marka hore wax ka qabto arrimaha waaweyn ee ay dadku u baahan yihiin, sida amniga,
deegaanka, caafimaadka, waxbarashada iyo aafooyinka. Waa in xooga ay saaraan dacwada iyo
wacyi-gelinta dadweynaha. Haddii ay dhacdo in la joojiyo qaadka iyo waxyaalaha kalana,
waa in waqti ay badeecado kale ugu wareegi karaan la siiyo. Haddii aan si kale u dhigo,
waxaan ku soo koobayaa xikmaddii ahayd magaalada Rooma hal maalin kuma aysan dhismin.

 

Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright 1999 banadir.com  All Rights Reserved

*