|
Mogadishu,8d Maarso 2003,
Source-Mudulood.com(originally by Mogadishu Times)
Afar qof ayaa ku dhimatay, 15-qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii uu rogmaday gaari N3 ah oo shalay marayey agagaarka garoonka diyaaradaha Cisiley ee Duleedka magaala madaxda Muqdisho.
Gaarigaasi oo ka yimid tuulada Rumirgood ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaan la sheegin waxa sababay rogmashadiisa, hase ahaatee xiriir aan la sameynay dad ku sugan garoonka Cisiley ayaa sheegay inuu gaariga u rarnaa si xad dhaaf ah, isla markaana uu waday ari tiro badan oo xeyn ka mid ahi ay dhinteen.
Dadka dhaawacmay ayaa la keenay isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho iyadoo ay dhawaanahan soo kordhayeen guud ahaa rogmashada gaadiidka xamuulka.
Dhinaca kale dadka ku dhintay shilkan ayaa lagu kala magacaabaa Marxuum Xasan Macalin Cali,Marxuumad Mako Caraale,Marxuum Daahir Roorow iyo Marxuum Salaad Aw Cali Shaxan.
Rogmashada gaadiidka ayaa loo aaneeyaa rarka xad dhaafka ah ee la saaro iyo wadooyinka oo aan hagaagsaneyn.
|