|
Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), gudoomiyeha maamulka Shabeelaha dhexe ayaa manta sheegay in Maxamed Qanyare, Muuse Suudi, iyo Yuusuf Indho Cade ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay ku soo geliyaan gudaha Soomaaliya ciidamo ka tirsan ONLF.
Wuxuu sheegay Maxamed Dheere in Ciidamadaas iyo hub la qorsheynayo in laga soo dejiyo garoonka diyaaradaha ee Bali-doogle, wuxuuna sheegay in ay iyaga ka hortegi doonaan, ayna kala jari doonaan wadada isku xirta Muqdisho iyo Bali doogle
Maxamed Dheere wuxuu ee deyn u jeediyay Xuseen Goleey, Milkiilaha shirkada Global Money Transfer iyo Gancsade Maxamed Deylaaf, isaga oo sheegay in labadaasi mas’uul ay ku gacansiinayaan Yusuuf Indho-Cadde oo uu sheegay in ay isku beel yihiin sidii uu u weerari lahaa magaalada Jowhar.
Wuxuu ku hanjabay Maxamed Dheere in ganacsatadaasi uu marka hore ka xanibi doono danaha ganacsi ee ay ku leeyihiin magaalada Jowhar, kadibna uu la xisaabtami doono, waa sida uu hadalka u dhigaye
Radio Banadir.
|