|
Taariikh
ku Dayasho Mudan
Waxaa
mudan in la xuso taariikhdii qurxooneyd ee uu soo maray waddankeena
Soomaaliya, muddadii uu xukunka hayey madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan.
Muddadan oo u dhaxeysay 1960-kii ilaa 1967-dii. Madaxweyne Aaden Cabdulle
Cusmaan oo ahaa halgame ka tirsanaa ururkii Somali Youth League (SYL)
ee dhaliyey xorriyaddii waddanka Soomaaliya.
Waxaa
Ilaahey mahaddiis ah in uu taladii dalka uu qabto Madaxweyne Aaden Dadka Soomaaliyeed oo baahi weyn u qabay hoggaamiye daacad ah oo ka haqab tira baahidii ay u qabeen xorriyad buuxda, ayaa waxay codkooda siiyeen Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan. Muddadii uu xukunka haayey wuxuu la yimid aragti siyaasadeed oo qota dheer oo ka turjameysay xaalka qalafsan ee uu waddanku markaas ku sugnaa, xag dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeedba. Waxyaalahii uu ku guuleystay waxaa ka mid ahaa dhowridda sharuucdii waddanka iyo dhaqan gelintooda, asaga oo tusaale u noqday mas'uuliyiintii kale ee waddanka. Taas oo sahashay in muddo aad u gaaban uu waddanku ku soo dabaalo xorriyad buuxda, dimoqoraadiyad, barwaaqo iyo siyaasad mideysan oo ka tarjumeysa rabitaanka shakhsi kasta oo Soomaali ah. Waxaa mid lagu faano ah sida waddanka Soomaaliya oo markaas muddo aad u gaaban xor ahaa uu iskaga caabiyey dagaalkii ay la galeen dawladda Itoobiya 1964-tii oo ayadu aan marnaba gumeysi dheer soo arag, taas oo dhalisay in ay sare u qaaddo kalsoonidii dawladeed iyo sharftii ummadda Soomaaliyeed-ba. Ururka Hawiye Action Group (HAG) iyo dadka fakarkooda aaminsan waxay hamblyo qiimo badan u soo gudbinaayaan Madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, waxaanan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed in aan aanay abaal uga dhigin xorriyaddaas iyo sharaftaas Soomaalinimo oo uu dhiig badani ku soo daatay mid meel cidla ah looga dhaqaaqo. Waxaan kula dardaarmeynaa
shakhsi kasta oo Soomaali ah oo doonaaya in uu waddanka Soomaaliya uu
xil ka qabto uu la yimaado, kana tusaale qaato taariikhdaas ku dayashada
mudan, si dib loogu soo celiyo walaaltinimadii, waddaniyaddii, ilaalinta
sharciga iyo dhaqan wanaaggii soo jireenka ahaa ee lagu yaqiin Ummadda
Soomaaliyeed. By
HAG |