|
Eldoret,23rd November 2002
By Banadir.com
Waxaa habeenimadii Jimcihii ( 22nd Nov.2002) ku geeriyooday Cisbitaalka Moi ee magaalada Eldoret Avv. Dr. Maxamed Raajis Maxamed oo ka mid ahaa ergooyinkii ka qayb galayay shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaalida . Waxaana jirtay in allaha u naxariistee Dr. Raajis oo ahaa nin waayeel ah, uu u dhintay cudurka neefta oo si xun u qabtay dhawrkii maalmood ee ina soo dhaafay .
Inkastoo aanan halkan iminka ku haynin taariikh nololeedkiisii oo dhan (Curriculum Vitae ), hadana waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa macluumaadka aan ka hayno . Wuxuu Avv. Dr. Raajis ku dhashay, kuna soo barbaaray magaalo madaxda Muqdisha . Waxbarashadii dugsiyada kadib, wuxuu tacliin sare u aaday dalka Talyaaniga , halkaas oo uu ku soo laabtay dalka isagoo sarkaal ciidan ah markii xornimada la qaatay . Waxaana dhawr mansab looga dhiibay ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo markaa la aas-aasay .
Kadib markii uu ka ruqseestay ciidanka bilowgii 1964 , ayuu Dr. Raajis u leexday dhanka siyaasadda , isagoo ka mid ahaa dadkii dhidibada u dhigay Xisbigii SANU, kuna guuleystay inuu ka mid noqdo xildhibaanadii Baarlamaanka ee doorashadii la qabtay 1964 .
Waxaa Avv. Dr. Raajis lala xiray siyaasiyiintii Soomaalida , taa oo ka danbeysay markii Taliskii Ciidamada Soomaalida la wareegeen maamulka dalka 21ka Oktoobar 1969 , isagoo xabiska ku jiray muddo aan ka yareyn shan sanadood . Wuxuuna markaa kadib (1974) Dr. Raajis u leexday hawlaha sharciyada , isagoo ka mid noqday Ururka Garyaqaanada Qaarada Afrika .
Tan iyo intii ay burburtay dawladii Maxamed Siyaad Barre horaantii 1991 , Wuxuu Dr. Raajis ahaa nin ku dadaalayay sidii sharciga iyo cadaaladii luntay loo soo celin lahaa, wuxuuna ka qayb galay inta badan shirarkii dib-u-heshiisiinta ee Soomaalida loo qabtay .
|