|
Dubai,3da Maarso 2005,
By Banadir.com
Warar isa-soo taray oo beryahanba naga soo gaaraya Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya inuu dalkaasi ka bilawday olole ballaadan oo lagu qab-qabanayo dadka sharci darada ku jooga halkaa. Magaalooyinka Shariqa,Dubai,Al-Ceyn iyo Cajmaan oo ah halka Soomaalida ku nool dalkaa ay ku badan yihiin, ayaa la soo sheegay in labadii usbuuc ee ina soo dhaafay lagu qab-qabtay dad badan oo halkaa sharci-darro ku joogay.
Wararku waxay kaloo sheegayaan in durbadiiba saraakiisha mas'uulka ka ah hawlaha socdaalka Imaaraadka ay si degdeg ah ugu dhaqaaqeen tarxiilka Soomaalida sharci darada lagu qab-qabtay,iyadoo sida laga warqaba ay waagii hore qaadan jirtay muddo aad u dheer in dib loo sii dhoofiyo dadkaas. Safaaradda Soomaalidu ku leedahay Imaaraadka ayaa la sheegaya inay dadka xidhan si dhaqse leh loo geeyay,si loo diiwaan geliyo, loona siiyo dokumentiga dhoofka.
Mana ahan Soomaalida oo qura dadka ay saamaysay raafkan, ee waa mid ay jinsiyadaha kalena la qabaan, gaar ahaan dadka u dhashay dalalka Pakistan,Bangladesh iyo Hindiya oo aad ugu badan dalka Imaaraadka.Sidoo kale, ma ahan markii ugu horreysay ee ciidamada amniga Imaaraadka ku dhaqaaqeen hawl noocan ah, oo waxaa jiray in bartimihii sanadkii hore (2004)ay mar sidan oo kale ay ku raafeen Soomaali badan oo sharci darro ku joogay .
|