|
MIYAAN
OGOLAAN KARNAA DOWLAD SHISHEEYE, XUKUUMAD SHISHEEYE IYO CIIDAN SHISHEEYE
1. Waa Kuma Xisbigga
Dibu Soo Nooleynta Soomaaliya/Ressurection Party
Xisbiggan (Ressurection
Party of Somalia) waxaa la aas aasay muddo hada laga joogo shan bilood,
waxaana uu yahay Xisbi wadani ah oo ku dhisan falsafada Soomaali Weyn
(PAN-SOMALISM), kaas oo ka jawaab bixinaya Siyaasada Habeensiga ku dhisan
ee ku habsatay maanka dadkeena Soomaaliyeed.
Intaas waxaa u dheer
inuu saxayo saddex qodob oo ilaa maanta masuul ka ah in aanu heli wayno
qaranimo buuxda, sixitaanka saddexdaas qodob ayaa ah mid looga shidaal
qaadanayo halgankii iyo gobonimadoonkii soo jireenka ahaa, kaas oo hakad
la galiyay si dadka loo kala xakameeyo, waxaana ay kala yihiin:
In heshiiskii la ansixiyay
1dii Luulyo, 1960kii la tix raaco kaas oo qorayay in NFD, SoomaaliGalbeed
iyo Jibuuti lagu soo darayo Waqooyi iyo Koonfur Soomaaliya.
Asturida sharafta calankeena
oo ay astaantiisu tahay xidig shan gees wadata taas oo aan ku sharfeeno
in waxa calanka u taagan yahay la fuliyo.
Tirtirida xuduudaha dalka
gudihiisa laga furay oo waa in aan isaga gooshnaa Muqdisho ilaa Hargeysa,
Hargeysa ilaa Jibuuti, Jibuuti ilaa Iimeey, Iimeey ilaa Gaarisa
2. Waa Maxay Afkaarta/Falsafada Xisbigga
Xisbigga Dibu Soo Nooleynta Soomaaliya waa mid ku dhisan labo maado oo
la is qaabilsiiyey si xal waara loogu soo dabaalo dhibaatooyinka ku saleysan
Qabiilka, Jahliga, Mooryaanimada, Gunnimada, Gumeysiga iyo Goboleysiga.
Si looga gudbo tiirarka ay ku dhisan yihiin maadooyinka sababa inta jecel
in lagu dul noolaado, ayaan waxaan soo bandhigaynaa Xalka Saddex Geeslaha
oo ka kooban:
 |
3. Afkaarta Xisbigu
Xagee Ayay Kaga Aadan Tahay Xiligan Kala Guurka
Tafaraaruqa qabiilka inoo geystay ayaa noqday mid lagu saleeyo nidaam
qabiil ayidsan oo hada la casriyeeyey, kaas oo danta laga leeyahay ay
tahay in la kala dheereeyo lana isku dilo walibana la kala dilo shacabka
Soomaaliyeed oo horeyba la quudsiiyey dalagii qabiilka.
Aqiidooyinka ay ka mid yihiin 4.5 iyo Nidaamka Fadaraaliga (Shirkii Mbagathi)
ayaa ka astaan bixinaya kala dheereynta dadka iyo dalka loo jiheeyey,
taas oo la doonayo in naloo karbaasho cadow gumeysi u soo tafaxaytay.
Shirarka dalka dibadiisa lagu qabtay ee afduubey himilooyinka nabad raadinta,
qaxootiga soo baro kacay dib u celintiisa, dhisida qaran loo dhan yahay
oo xataa aan ka tagin dhulka Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan isla
cadowga noo soo naash naashay shir nabadeed ayaa ah kuwo loo baahan yahay
in il gaar ah loo yeesho.
Nabad dhab ah oo waarta waxaa ay hir galeysaa marka shacabka Soomaaliyeed
ay ka qayb qaataan aayatiinka jiritaankooda, waa in dadka Soomaaliyeed
noqdaan furaha keena heshiis ina dhex mara, isla mar ahaantaas, shir kastaa
oo ku abtirsada magaca Soomaali waa inuu dalka gudihiisa ka hir galaa,
taas weeye mida hada ka maqan shirarkii la qabanayey 14kii sano ee la
soo dhaafay haba u dheeraado kuwii ugu dambeeyey ee labada sano ahaa.
Marka Xisbiggan wadaniga ah waxaa uu xooga saarayaa labo arin oo ku aadan
dibu heshiisiin iyo dhalinta nabad waarta kuwaas oo ka maqan ilaa maanta
shir ku abtirsada inuu u taagan yahay soo celinta qaranimada Soomaaliyeed,
waana:
In shacabka lagu daro talada
dalka iyo dibu dhiska qaranimo buuxda
In shirarka xambaarsan magaca
Soomaali ay noqdaan kuwo Soomaaliya lagu qabto oo aan dalal shisheeye
loo dhoofin si shacabka loo khiyaano
4. Yaa Ka mid Noqon Kara Xisbiggan
Waxaad ka mid noqon kartaa Xisbiggan hadii aad fulin karto shuruudahan:
Soomaali wadani ah
Aamin ah
Aan labo qalbiile ahayn
Gumeysiga neceb
Dadiisu tahay 15 - 40 sano
Aan caylsaneyn (men with fat
bellies don't make a revolution)
Shuruudahaas waa muhiim, waxaana laga doonayaa dadka xiiseynaya inay ku
soo biiraan Xisbiggan inay iska hubiyaan inay ka soo bixi karaan shantaas
qodob inta aaneysan nagu soo biirin. Waxaa dooneynaa oo kaliya 8 qof oo
kale kuwaas oo la xoog iyo tayo ah 8 million oo qof, marnaba looma baahna
shaqsiyaad adeegayaal ah oo u adeega calooshooda.
Ciwaanka arjiyada: xdss239@hotmail.com
Arimaha Khuseeya Falsafada/Afkaarta Xisbigga: Liibaan Cabdi Daahir
" " Barnamijka Xisbigga: Fatxi Hassan Ibraahim
" " Saxaafada: Maxamed Sh Nuur
" " Laamaha Xisbigga: Naasir
" " Kaalinta haweenka: Tamad
(WAA
XISBI DHALLINYARO SOOMAALIYEED HORMUUD KA YIHIIN).
|