|
Mogadishu,17th March 2004
By ceelbuur.com
Tan iyo markay
burburtay nidaamka Dawladdii Maxamed Siyaad Barre horraantii
1991 iyo ilaa iyo waqtigan la joogo ee sanadkan 2004,
waxay magaalada Dubai oo ku taala dalka Imaaraadka u noqotay
goob muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo nolosha shacabweynaha
Soomaalida, waayo waa suuq u furan adduunyada inteeda
kale, cid kastana ay xur u tahay inay keento ama iibiso
badeecad alaale badeecadii ay doonto. Waxay Dubai noqotay
barta isku xirta duulimaadyada dayaaradaha taga ama ka
yimaada Soomaaliya, oo usbuucii ay jiraan 8 duulimaad
oo kala duwan.
|
Baayac
mushtarka u kala socda labada dhinac ee Soomaaliya
iyo Imaaraadka ka sokow, Jaaliyadda Soomaalida ee
ku dhaqan dalkaa waxaa iminka ugu furan Dubai Hodheelo
la jiifto,Shirkadaha Dayaaradaha,Maktabyada Xawaaladaha,
dukaamada lagu iibiyo dharka iyo maacuunka , dahab-layaal,maqaayado
kala duwan,goobaha lagu ijaaro gawaarida khaaska
ah iyo xafiisyada fuliya mucaamalaadka Viisooyinka,iwl
(Public Relation Offices). |
 |
Magaala ceynkaa ah, oo Soomaalidu sidaa ugu camiran tahay, waxay dabcan dadku u baahan yihiin Qunsuliyad u fulisa waxyaabaha ay doonayaan. Xaruunta Safaaradda oo ku taala Caasimadda Imaaraadka ee Abu Dhabi waxay u jirtaa Dubai qiyaastii masaafo dhan 167 km,waana meel ku fog dadka intiisa badan . Sidaas awgeed ayeey Qunsulliyaddu ugu yeelatay muhimad gaar ah jaalidda Soomaalida. Waxaa kaloo jirta, xusidna mudan nolosha Abu Dhabi (Ijaarka iyo maciishadda) oo ka yara qaalisan dalka intiisa kale, oo dadka ay maciin u tahay inay degaan magaalooyinka maciishada jaban ee Sharjah,Cajmaan iyo Ras-Ul-Khaimah iyo Umul-Quweyn oo dhamaantood u dhow Dubai .
Hadii aan u soo noqono mowduuca qoraalkan oo ah xiisadda ka ooggan Qunsulliyadda bilahan danbe waa mid ku qotonto u-adeegga dadka ay Qunsulliyadda u furan tahay,qaybinta shaqada Xafiiska iyo dhaqaalaha xoogga leh ee Qunsulliyadda ka soo gala jaaliyadda . Saraakiisha loo soo bedelay inay Diploomaasiyiin ka noqdaan Qunsulliyadda oo kala ah First Secretary (Ex-Col.) Maxamed barrow Geedi iyo First Secretary Cabdinaasir Aadan (Seerjito) waxay rabaan,sida laga soo wariyay, inay hawsha dhinacooda ka qabtaan, oo ay sida caadada ahaan jirtay la wadaan Qunsulka Maxamed Yarow wixii hawl ah ee la qabanayo, lana siiyo xaqa ay wax ku fulinayaan (Saxiixa).
Waxay ku
doodayaan oo sida dhabta ahna ay ahayd, in markii uu Maxamed
Yarow ahaa ku-xigeenka Qunsulkii Guud ee hore oo la oran
jiray Cabdulqaadir Xersi Ismaaciil, uu Maxamed Yarow guud
ahaan hawsha Qunsulliyadda siday u dhan tahay isagu kaligii
wadi jiray . Marka uu iminka dalacayna uu u diiday iyaga
xaqa ay u leeyihiin inuu midkood ama labadooda wax saxiixaan,
hawshana la wadaan .
 |
Arrinku
markuu halkaa gaaray oo dhawr jeer lagu sigtay saraakiisha
sare ee Qunsuliyaddu inay gacanta isula tagaan, ayaa
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda KMG ah Yuusuf
Xasan ibraahim (Dheeg) uu dhowaan u soo qoray qoraal
rasmi ah madaxa Safaaradda Soomaalidu ku leedahay
Abu Dhabi Xuseen M. Bulaale (Daqare),kaas oo lagu
qaybiyay shaqada Qunsulka Guud iyo labada Qunsul Xigeen.
|
Laakiin
sida muuqata qaybintaa ma noqon mid cajabisa Qunsulka
Guud. Waxaa markaa kadib dhamaantood looga yeeray Xamar,si
loo kala saaro, halkaa oo labadii Qunsul Xigeen ay ku
soo galeen Muqdisha, lakiin ma aanu galin Xamar Mudane
Maxamed Yarow,sababtu si kastaba ha ahaatee.
|