|
Dubai,26ka April 2005
By Banadir.com
Guddoomiyaha Hay'adda Sare ee Qaxootiga Soomaaliyeed iyo daryeelka dadka gudaha ku-barakacay Prof. Cabdullahi Axmed Qudde oo beryahanba booqasho shaqo ku joogay dalka Imaaraadka, ayaa shalay (25/04/2005) loogu sameeyay qaabilaad heer sare ah xaruunta bisha cas ku leedahay magaalada Dubai,iyadoo uu Prof. Qudde halkaa si diirran ugu soo dhoweeyay Mudane Maxamed Cabdalla Al-Zarcuuni oo ah madaxa Xafiiska Bisha Cas Dubai iyo saraakiil sare oo wehliyay.
Kulanka shalay oo ku dhacay jawi heer sare, waxay labada dhinacba isku dhaafsadeen erayo qiimo iyo qaayo leh oo ka tarjumaya baahida loo qabo sidii Ururka bisha Cas ee Imaaraadka uga qayb qaadan lahaa taakuleynta iyo u-gargaaridda dadka barakacay ee ku kala firirsan gudaha dalka Soomaaliya iyo qaybaha kale ee qaxootiga ku ah dalalka Soomaaliya deriska la ah .
Madaxa Xafiiska Bisha Cas ee Dubai wuxuu kulankaa ku ballan-qaaday inay diyaar u yihiin inay bixiyaan gargaar isugu jira raashin,daawo,teendhooyin iyo bustayaal la hugto, isagoo ka codsaday Prof. Qudde inuu soo gudbiyo baahida loo qabo kaalmada degdega ah iyo goobaha sida gaarka ah looga baahan yahay in loo gurmado, oo ay ku badan yihiin dadka gudaha ku-barakacay.
Munaasabadda qaabilaadda Guddoomiyaha Hay'adda Sare ee Qaxootiga Soomaaliyeed waxaa goobjoog ka ahaa xubno sare oo ka socday guddiga ganacsatada Soomaalida ku leedahay magaalada Dubai iyo Mudane Jaamac Xasan Maxamed Saalax oo lagu wado inuu hawl-wadeen sare ka noqdo maamulka cusub ee Gobolka Banadir oo uu madaxa ka yahay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cadde Xasan Cali Gaabow.
Waxaa kaloo xusid mudan in Guddoomiyaha Hay'adda Sare ee Qaxootiga Soomaaliyeed iyo daryeelka dadka gudaha ku-barakacay Prof. Cabdullahi Axmed Qudde uu warbixin kooban oo la xiriirta waxqabadka Hay'addan iyo qorshaha mustaqbalka ka siiyay Counsellor-ka Safaaradda Soomaalida ku leedahay magaalada madaxda Imaaraadka ee Abu Dhabi Mudane Xuseen Maxamuud Maxamed.
|