|
Hadal qoraal ah oo uu Madaxa Dawladda KMG ah Cabdulqassim Salaad Xasan ku siiyay maanta magaalada Muqdisho xubno ka tirsan Saxaafadda, ayaa waxaa uu ku soo qaatay sida uu uga xun yahay dagaalada ka soo cusboonaaday gobolo ka tirsan dalka, isagoo cambaareeyay dagaal oogayaasha mas'uulka ka ahaa dagaaladaas, isagoo uga tacsiyeeyay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba ee ka tirsanaa bulshaweynta Soomaaliyeed .
Wuxuuna mar kale qoraalkiisa ugu soo jeediyay Beesha Caalamka iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ku taageeraan dalka Soomaaliyeed ciidamo gacan ka geysta hub-ka-dhigista maleeshiyooyinka hubeysan, loona soo gurmado shacabka Soomaaliyeed , sida ay beesha Caalamka ugu gurmatay dalalka Liberia, Siera Lione, Bosnia, Afganistan, Cambodia iyo East Timor.
Wuxuuna ka digay cawaaqib xumada ay yeelan doonto dhibaatada Soomaalida, hadii Caalamku sidaa ku eegto .
Wuxuu kaloo qoraalkiisa ugu baaqay in loo soo istaago samata bixinta dalka iyo dadkaba oo badbaadadooda ay halis weyn ku jirto,Dawladda KMG ahna ay dadaal xoog leh ugu gashay,kuna guuleysatay buuxinta kuraasidii ay Soomaalidu ku lahayd Ururada Caalamiga ah iyo Kuwa Gobaleed oo banaanaa tobankii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka mid yihiin UN,AU,OIC,NAM,AL,SIIN SAAD,iyo IGAD.Wuxuu Kaloo xusay dadaalka Dawladda KMG u gashay nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta intii ay dhisnayd iyo caqabadaha ka hor yimid, gaar ahaana faragelinta shisheeyaha .Wuxuu ku soo gebegebeeyay qoraalkiisa guuldarada Dawladiisa qabsatay ee la xiriira fulin waaga adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada ee ay hore u ballan qaatay .
Ugu danbeyntii, Wuxuu Cabdulqassim S.Xasan soo bandhigay aragtidiisa la xiriirta shirka dib-u-heshiisiinta ee la filayo inuu ka dhaco Nairobi oo ah :-
B) Inay shirka ka soo wada qayb galaan lixda dal ee IGAD, siduu ahaa go'aankii shirkii 9aad ee Madaxda IGAD ee Khartoum,goob joogna ay
ka noqdaan wakiilo ka socda UNka, Mareykanka,Midowga Yurub,Ururka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta .
T) Inaan shirka laga soo bilaabin meel eber ah ee la tixraaco go'aankii Shirweynihii Carta ee Jabuuti .
J) Inaanu Shirka ku koobnaan Hogaamiye Kooxeedyada iyo Dawladda KMG ah, oo lagu soo daro maamul goboleedyada jira .
X) In cid kasta oo ka qayb galaysa shirka ay ballan qaado inay u hogaan-sanaan doonto wax allaale wixii lagu heshiiyo, ciddii ka hor timaado heshiiska la gaarana , laga qaado tillaabo adag oo waafaqsan sharciga caalamiga ah, loona aqoonsado abaabule dagaal .
|