|
Guddiga Farsamada IGAD ayaa mar kale wax ka badelay shax ay maalmo ka hor soo saartay, kaasoo ay ka qeyb galayaasha shirka ay ugu qeybiyeen qaabka ay u helayaan ergooyinka iyo guddiyada ka qeyb qaadanaya wajiga labaad ee shirka.
Guddiga Farsamada IGAD ayaa waxa uu qeybshay qaabkan.
Dowladda KMG ah 65 Ergo. SRRC/Hawaase 65. Puntland 28. RRA/Shaar Guduud 14 RRA Sh. Aadan Madoobe 14 Maamulka Jowhar 14 Isbaheysiga Dooxada Juba 13 SRRC/Nakuuro 9 SNF Maxamed Sayid 7 SNF C/risaaq Isaaq Biixi 7 Jareer weyne 7 USC-da Maxamed Qanyare 7 Daladda aragtida cusub 5 SNU Banadir 3 SDU 2 Beesha Baajuun 2 Bulshada Rayidka 100
Tirada guud ee ergooyinka waxey noqoneysaa 362.Dhinaca kale Guddiyada ayay iyana loo qeybshay qaabkan.
Dowladda KMG ah 16 SRRC/Hawaase 16. Puntland 7 RRA/Shaar Guduud 4 RRA Sh. Aadan Madoobe 4 Maamulka Jowhar 4 Isbaheysiga Dooxada Juba 3 SRRC/Nakuuro 2 SNF Maxamed Sayid 2 SNF C/risaaq Isaaq Biixi 2 Jareer weyne 2 USC-da Maxamed Qanyare 2 Daladda aragtida cusub 1 SNU Banadir 1 SDU 1 Beesha Baajuun 1 Bulshada Rayidka 25
Tirada guud ee Guddiyada waxey noqoneysaa 93-xubnood, waxaana shaxdan dambe laga tegay siyaasiyiinta kala ah Col. Jaamac Cali Jaamac, Axmed Cumar Jees.
Sidoo kale Hogaamuyayaal ay ka mid yihiin Cusmaan Caato, Maxamed Qanyare, Col. Barre Hiiraale, Cumar Filish, Mowliid Macaani, Col. Jaamac Cali Jaamac ayaa ku gacan seyray shaxdan cusub ee la soo saaray, iyagoo ku hanjabay in haddii uu shirku sidan ku sii socdo ay gabi ahaanba ka bixi doonaan shirka.
|