|
Tripoli,12ka Maarso 2003(Jana)
By Banadir.com
Madaxweynaha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Cabdiqassim Salaad Xasan iyo wefdiguu hogaaminayay oo beryahanba booqasho gaar ah ku joogay dalka Liibiya, ayaa shalay booqday magaalada Sabrata oo ku taal nawaaxiga geyiga Sarman .
Sida ay soo warisay wakaaladda wararka ee dalka Liibiya (Jana), waxaa wefdiga Cabdiqassim halkaa si diirran ugu soo dhoweeyay Xoghayaha iyo Xubnaha Guddiga Dadweynaha ee maamula magaalada iyo saraakiisha sare ee Dawladda Libiya . Wuxuuna Cabdiqassim soo maray meelaha taariikhiga ah oo leh astaamaha xadaaradihii hore oo ay magaaladaasi caan ku tahay .
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda KMG ah Yuusuf Xasan Ibraahim ( Yuusuf Dheeg) ayaa dorraad subax (10/3/2003) tagay caasimadda Niger ee Niamey, si uu uga qaybgalo kulanada diyaar-garowga ah ee Guddiga fulinta ee dalalka ku bahoobay Golaha (Siin-Saad) oo shir madaxeed-koodii shanaad uu ka dhici doono isla magaalada Niamey 14ka ilaa 15ka bishan Maarso 2003, taas oo la filayo inuu Mudane Cabdiqassim ka qayb galo shirkaa .
|