|
Abu Dhabi,1/9/2009
By Banadir.com
Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Khaliifa Bin Zaayid Al-Nahyaan ayaa xalay ku qaabilay qasrigiisa Madaxwenaha Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo wefdigii uu hogaaminay oo beryahanba booqasho ku marayay dalalka khaliijka qaarkood.
Sheikh Khaliifa oo si diirran u soo dhoweeyay Madaxweyne Sheikh Shariif iyo wefdigiisa oo ay ka mid ahaayeen Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheikh Adan, Wasiirka Arrimaha Dibedda Cali Axmed Jaamac, Wasiirka Warshadaha Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalla, Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Xasan Macalin Maxamuud,Taliyaha Nabadsugidda Maxamed Sheikh Xasan iyo Kaaliyaha Madaxweynaha Mursal Maxamud Saneey, wuxuu ugu sameeyay qasrigiisa casho sharaf si weyn loo soo agaasimay.
Waxaa kaloo dhanka Soomaalida wefdiga ku wehliyay qaabilaadda Safiirka Soomaaliyeed Axmed Cigaal, Mustashaarka & Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed Xuseen Maxamuud Maxamed, Qunsulka Qunsulliyadda Guud ee Dubai Cabdulqaadir Shiikheey Maxamed & Safiirka Soomaaliya u jooga Pakistan Cabdisalaam Xaaji Axmed Liibaan .
Dhanka Imaaraadka waxaa goobjoog ka ahaa munaasabadda qaabilaadda Madaxweynaha Soomaaliya Kaaliyaha Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Suldaan Bin Zaayid Al-Nahyaan , Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu Dhabi General Maxamed Bin Zaayid Al-Nahyaan, Kaaliyaha Madaxweynaha Mandiqadda Waqooyi Sheikh Xamdaan Bin Zaayid Al-Nahyaan, Ra"iisul Wasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka Gudaha Sheikh Seef Bin Zaayid Al-Nahyaan, Ra'iisul Wasaare ku-Xigeen Ahna Wasiirka Madaxtooyada Sheikh Mansuur Bin Zaayid Al-Nahyaan, Wasiirka Arrimaha Dibedda Sheikh Cabdalla Bin Zaayid, Kaaliyaha Madaxweynaha ee Mandiqadda Bariga Sheikh Taxnuun Bin Maxamed Al-Nahyaan iyo Wasiiro badan oo kale iyo Mas'uuliin sar-sare oo milatari iyo madaniba leh .
Madaxweynaha oo hore u soo maray dalka Qadar , hadana ku sugan dalka Imaaraadka waxay mas'uulintii ay is-arkeen isku soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya la leedahay labadaa dal, loogana taakuleyn lahaa xukuumadda kmg ah ee uu madaxda ka yahay xag dhaqaale iyo mid siyaasadeedba, iyadoo si gaar ah looga warqabo in dalka Imaaraadku yahay dalalka ugu muhiimsan ee la leh ganacsiga qaranka Soomaalida, dad badan oo Soomaali ahna ay hanti baaxad leh ku leeyihiin Imaaraadka, sidaa awgeedna ay Dawladda Imaaraadku dareensan tahay muhiimadda ay leedahay Soomaaliya oo deggan iyo in laga ciribtiro burcad-badedka badweynta India.
Waxaa laga filayaa inuu Madaxweynaha iyo wefdigiisu dib ugu laabtaan Dalka Soomaaliya maalinta Arbacada ah, iyadoo lagu wado inuu caawa kula kulmo xubno ka socdo ganacsatada iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Dubai, si uu warbixin buuxda uga siiyo xaaladda maanta dalku marayo iyo waajibaadka muqadaska ah ee qof walba oo muwaadin ah ka saaran badbaadinta sumcadda iyo sharafka dalkiisa.
|