|
Wararka ka imaanaya dalka Jabuuri ayaa sheegaya in ra'iisalwasaaraha Dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed Prof.Cali Maxamed Geedi iyo wafdi kale oo la socdey oo ku sugnaa Jabuuti 24-kii saac ee ugu dambeeyey ay saakay ka dhoofey garoonka Dayuuradaha ee Magaalada Jabuuti, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Adis ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.
Prof. Cali Maxamed Geedi oo ay wafdigiisa ka mid yihiin Wasiirka qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/risaaq Cismaan(Jurille), Wasiiru dibadda Ibraahim Sheekh Cali (Jeebo),guddoomiye xigeenka labaad ee Baarlamaanka Cusmaan Cilmi (Boqore) iyo xubno kale.
Wafdigan Ra'salwasaare Geedi aya Shaley galinkii dambe waxay aqalka Madaxtootada Jabuuti ku qaabile Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo Wasiirkiisa Arimaha dibada Cali Cabdi Faarax, waxayna ka wada hadlaan xaalidihii ugu dambeeyey ee ku soo kordhay Arimaha Soomaaliya, socdaalkii dhawaan ay ku tageen Madaxda DFKMG ah Gobolada Wadanka Qaarkood, iyo waliba arinta ciidamada shisheeye ee la doonayo in la keeno soomaaliya.
Sidoo kale Warar cusub ayaa sheegaya in Ra'iisal Wasaaraha uu ka degey Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Adis-Ababa oo ah Xarunta dalka Itoobiya, Waxaana lagu Wadaa in uu halkaasi kulamo kula yeesho Mas'uuliyiin ka tirsan dowlada Itoobiya, iyada oo kolka uu dhameysto kulamadiisana la filayo in Yugandha u sii gudbo.
banadir.com
|