Ra'iisul Wasaaraha oo sheegay in uu maalinta jincaha tegi doono Muqdisho

Nairobi - Ra'iisul Wasaaaraha Dowladda
Federaalka KMG ee Somaaliya Prof Cali Maxamed Geedi
ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu maalinta jimcaha
tegi doono Caasimada dalka ee Muqdisho.


Prof Geedi waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu
xafiiskiisa kula kulmay Danjirayaasha dalalka
jaamacadda carabta ee fadhigoodu yahay Magaaladda
neyrobi ee Dalka Kenya. wuxuuna intaa raaciyay in uu
doonayo isagoo tixgelinaaya danta iyo maslaxadda
Shacbiga in uu la kulmo Xubnaha Golihiisas Wasiiradda
iyo Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee ku sugan
Magaaladda Muqdisho si uu ugu qanciyo inay u raacaan
Magaalada Neyrobi oo ay markaasi uga wada-hadlaan Guud
ahaan arrimaha Dalka , gaar ahaan xallinta Magaaladda
Muqdisho oo uu Goluhu ka doodo.


Raiisul Wasaaraha Dowladda soomaaliyeed wuxuu
Danjirayaasha u sheegay in ay ugu dambeyn u guuri
doonaan Dalka Soomaaliya aakhirka Bisha May ee soo
socota, wuxuuna ka dalbay Danjirayaasha carbeed in ay
gacan ku siiyaan dowladda Soomaaliya dib u gurista,dib
u howgalinta hay'adaha Maamulka ee xukuumadda iyo
soo-celinta Amaanka iyo kala dambeynta.

Danjiraha Dalka boqortooyadda sacuudiga Al-sayid
Nabeel cashour oo ku hadlaayay magaca danjirayaasha
ayaa u sheegay in uu soo dhaweynayo tegista Ra'iisul
wasaaraha ee Magaladda Muqdisho ayna tahay talaabo
Horumara oo loo qaaday dhinaca Nabadda,isagoo sheegay
in loo baahanyahay in Xubnaha Golaha wasiiradda ay
arrinta Muqdisho iyo Guud ahaan Dalkaba ka doodaan
Go'aana ka gaaraan kadibna ay u gudbiyaan Golaha
Baarlamaanka si ay Go'aan kama dambeys ah uga gaaraan.
Danjire Nabeel Cashour wuxuu kaloo sheegay in Dalalka
carabta ay gacan ka geysan doonaan dib u guurista
Dowladda iyo guud ahaan barnamijyada deg-dega ee ay
Xukuumaddu u baahantahay, wuxuuna tilmaamay in ay
Dalalkooda u gudbin doonaan baahida Dowladda
Soomaaliyeed iyo sidii loogu soo de-dejin lahaa
Dhaqaalihii ay Dalalka Jaamacadda carabta u
qorsheeyeem Dalka Soomaaliya markii ay ku kulmeen
Magaaladda Aljeeris ee dalka Aljeeriya taasoo dhameyd
26 milyan oo dollar oo loo qeybiyay bixinteeda dalalka
xubnaha ka ah Jaamacadda carabta,

Prof Geedi oo qaabilay Mr.Haile Menkerios

Ra;iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG prof Cali Maxamed Geedi wuxuu
kaluu isla saakay xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha waaxda Siyaasadda ee qeybta Afrika ee hay;adda Qaramadda midoobay Mr.Haile Menkerios.

Prof.Geedi iyo Mr.Menkerios waxay kulankaasi iskula
soo qaadeen qodobo muhiim ah oo ku aadan Guuritaan
Dowladda,Dhaqagalinta Xabad-joojin guud oo ka hirgasha
Dalka Soomaaliya iyo sidii loo meeleyn lahaa
Maleeshiyooyinka Hubka sita, islamarkaana hubka looga
dhigi lahaa.

Ra'isul Wasaaraha iyo Agaasimha waxay kaloo kulankaasi
iskula soo qaadeen arrinta la xirirta Ciidamada Igad
ay ugu talagashay in ay Soomaaliya usoo dirto iyo
kaalinta ay Hay'adda Qaramadda Midoobay ka qaadaneyso
sidii Dowladda soomaaliyeed gacan loogu siin lahaa dib
u dhiska hay'adaha suga Amaanka gaar ahaan Ciidanka
Booliska Soomaaliyeed.

Kulankaasi waxaa Ra'iisul wasaaraha ku wehliyay
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda
Mudane Saalim Caliyow Ibro, Wasiirka Qorsheynta iyo
Iskaashiga Caalamiga Mudane cabdirisaaq Cusmaan
Juriile iyo masuuliyiin kale, halka uu dhinaca
Qaramadda midoobay ka joogay Aba Femi oo ah sii-hayaha
Wakiilk xoghayaha Guud ee Arrimaha Soomaaliya.

abdirahaman diinaari (diinaari@yahoo.com)