|
Machadka
Som-Can Institute for Research and Development iyo Xarrunta
Partnership Africa Canada oo saldhigoodu yahay magaalada Ottawa
ee dalka Canada waxay idiin soo gudbinayaan in shirkii ka
dhacay Parlamaanka Ottawa iyo Carleton University Nov 3-4,
2000 uu si guul ah ku dhamaadey.
Shirkaas
oo looga hadlayey sidii waddanka Somaliyeed loogu soo dabbaali
lahaa nabad waarta iyo horumar waxaa ka soo qayb galey dad
badan oo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, gaar
ahaan dad matalaya dawladda Canada, United Nations, Dawladda
Jabouti iyo dadka Somaliyeed.
Waxaa
la isku weydaarsadey figrado kale duwan, isku mid ah, kuligoodse
ay ku wajahan yihiin " Strengthening a Somali Culture of Peace
and Development" iyo sidii lagu gaari lahaa xal (Recommendations/Solution)
nagu hogaamiya nabad waarta. Dadkii ka hadley shirkaa waxaa
ka mid ah Mrs Zaynab Aden, Ahmed Haji (Somalia Watch.org in
Canada), Djibouti Ambassador Mr. Roble Olhaye oo u fadhiya
United Nationka, Dr Babafemi Badejo oo ah Senior Political
advisor for Somalia "UNPOS" isna naga soo gaarey halkaa iyo
dalka Kenya.
Waxaa
kaloo shirka ka soo qaybgalay Mudane Ahmed Dahir Shell (Co-chair
of Somali Techincal Committee) oo ahaa malaha qofkii ugu horeeyey
uguna danbeeyey ee ka qaybqaata qabanqaabadii shirkii nabadeynta
Somaliyeed ee ka dhacay magaalada Carte ee Jamuuriyadda Jabouti
.
Shirka
waxaa furey (Key note speaker) Mr. Eugene Bellemare oo ah
Parliament Secretary oo ku hadlayey magaca wasiiradda Mrs
Maria Minna, oo suurto gal u noqon weydey inay ka soo qayb
gasho shirka electionka waddanka Canada ka socda awgeed.
Waxaa
kaloo si hufan u qaadaa dhigay aragtiyo casriyeysan maalintii
labaad ee shirka,mudanayaashan hoos ku xusan Mr. Mahamed Dalmar,
Mr. Abdishakur Abdulle oo Dubia nooga yimi, Dr Osman Salaad
from Quebec, iyo Mr Mohamed Elmi.
Dhaantood
waxay si hagar la'aan ah u soo bandhigeen sida ugu haboon
ee waddanka horumar lagu gaarsiin karo, loogana hortagi karo
wixii dhibaato hor leh u keenaya, isla markaasna lala kaashado
dadka Somaliyeed ee dibadaha ku nool iyo caalamka intiisa
kale sidii arrimahaan lagu hirgalin lahaa.
Ugu danbeyntii
waxaan mahad u celinaynaa dhamaan dadkii ka soo qayb galey
shirkaas, gaar ahaan Mr. Ahmed Hashi Hashara, Mrs Idil Salah,
and Ahmed Yusuf oo si wacan u hogaaminayey doodda furan ee
shirka (chair person).
Waxaa
kaloo mahad mudan members of Som-Can Advisory Committee, dawladda
Canada iyo dadkii isku taxalujiyey inuu shirkani ku dhamaado
guul. Qoraalka gaaban ee shirka (Executive Summary) waxaa
uu soo bixi doonaa muddo laba usbuuc gudahood ah haddii Alle
idmo, qoraalka weyna (final report) waxaa uu suurto gal noqonayaa
bisha inagu soo fool leh December 2000.
Ciddii
doonaysa qoraaladaas, la soo xiriira (SCIRD or PAC)
Mahadsanidin.
Mrs. Ebyan Salah
Executive Director Som-Can Institute for Research & Development
219 Argyle Ave, Suite 216 Ottawa Ontario, K2)P 2H4
Tell (613) 569-3471
Fax (613) 232-3660
Email: ebyan@somcan.on.ca
|