|
Wasiirka
1-aad ee Dowladda KMG ah, Cali Khaliif Galayr ayaa sheegay
in dowladda Talyaaniga ay isku afgarteen inaysan mar dambe
wax xiriir ah la yeelan hoggaamiye kooxeedyada. Cali Khaliif
wuxuu ku nuuxnuuxsaday in safarkiisu uu ku soo idlaaday guul.
Waxa
uu ka sheekeeyey dhammaan dadkii ay kulmeen oo uu ugu horreeyo
Ra'iisal Wasaaraha dalka Talyaaniga Giuliano Amatto, madax
ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Guddiyada Arrimaha
Dibadda ee Baarlamaanka dalkaas. Wasiirka 1-aad, waxa uu qiray
inaysan wax wada hadal ah kala yeelan dowladda Talyaaniga
maxbuuska Soomaaliyeed, Xaashi Cumar Xasan oo loo haysto dilka
weriyeyaal Talyaani ah oo lagu xukumay magaalada Rome.
"Waxaan
is aragnay garyaqaankiisa Ducaale, waxayna ii sheegeen inay
filayaan in rafcaan ay ka qaateen lagu sii daayo Xaashi Cumar"
ayuu yiri. Mar aan wax ka weydiiyey booqashadii uu ku tagay
xarunta Kaniisadda Vatican-ka ayaa Wasiirka 1-aad waxa uu
farta ku fiiqay inay booqashadaasi ahayd mid ay ku doonayeen
waxa uu ku tilmaamay afgarad siyaasadeed. "Baaderigu wuu maqnaa
waxaanse is aragnay ku xigeenkiisa oo aan si fiican isku afgarannay"
ayuu yiri Cali Khaliif oo sheegay in madaxda Vatican-ku ay
kala hadleen isaga iyo wafdigiisa arrimo ay iyagu daneynayeen
oo ay ka mid tahay kaniisaddii la dumiyey ee Muqdisho, ninkii
baaderiga ahaa ee isna lagu dilay magaalada Muqdisho xilligii
dowladdu jirtay iyo hay'adaha samafalka ee ay iyagu maalgeliyaan.
Dhinaca
Imaaraadka Carabta, Wasiirka 1-aad, waxa uu tilmaamay in kulamo
dhiirri geliyey uu la yeeshay madaxda dalka Imaaraadka Carabta
iyo kuwa mandiqadda Dubai. "Wada hadallo aad aan ugu bognay
ayaan yeelannay madaxda Imaaraadka" ayuu yiri. Waxa uu xaqiijiyey
muddadii uu ku sugnaa magaalada Dubai inuu u furay ganacsatada
Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan Rug ganacsi oo ay leeyihiin.
"Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dubai waa kuwa keliya intaan
ogahay (Soomaalida) ee leh urur ganacsi" ayuu yiri.
Inkastoo
dhammaan safarradii uu dibadda ugu baxay uusan ku guuleysan
inuu soo furo hal safaarad oo ka mid ah safaaradihii ay Soomaaliya
horey u lahayd ayuu Wasiirka 1-aad qeexay in dhaqaale la'aan
haysata awgeed ay u furi la' yihiin safaaradihii ay dibadda
ku lahaayeen, waxaase uu caddeeyey in meelaha ugu horreeya
ee safaaradaha ay ka furi doonaan ay tahay Wqooyiga Ameerika,
Yurub iyo dalalka Carabta. "Safiirro wareega ayaannu geynaynaa
meelahaas" ayuu yiri. Isagoo ka hadlayey safarka uu ku baxay
Danjiraha cusub ee Dowladda KMG ah ay u magacowday magaalada
Addis Ababa ee dalka Itoobiya, Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf
Dheeg) ayaa Cali Khaliif, waxa uu sheegay in danjiraha ay
dirsadeen uu durba la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee
Itoobiya, Siyuum Musfin, uuna gaarsiiyey dhambaal uu ka siday
dowladdooda, waxaana uu xusay in dhowaan uu Danjiruhu dib
u furi doono safaaradda isagoo wakiilna uga noqon doona Ururka
OAU-da. Xiriirka ka dhexeeya Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
iyo Itoobiya oo aan isku soo qaadnay, waxa uu Cali Khaliif
muujiyey inuu ka xun yahay in Dowladda Itoobiya iyo iyagu
ay wararka isu marinayaan saxaafadda.
"Annaku
waxaan is leennahay Itoobiya waxaad la yeelanaysaan xiriir
fiican" ayuu yiri. Arrimaha gudaha ee dalka; waxa uu carrabaabay
inuusan la socon dagaalkii ka dhacay Balcad. "Dagaalkaasu
wuxuu dhacay tobonkii cisho ee aan maqnaa" ayuu yiri Wasiirka
1-aad oo sheegay in dekedda iyo garoonka diyaaradaha ay u
xiran yihiin qaab farsamo. "Cid hor taagan ma jirto" ayuu
daba dhigay.
Dhinaca
Somaliland iyo Puntland ayuu sheegay in gobolladaasi kaalmada
uu siiyo adduunka ay ku helaan magaca Soomaaliya. "Magac la
yiraahdo Somaliland adduunku ma aqoonsana ee wuxuu u aqoonsan
yahay deegaannada nabaddu ka jirto ee Soomaaliya" ayuu yiri
Cali Khaliif oo Maamulka Puntland sheegay inuu yahay ku meel
gaar. Waxa uu carrabka ku adkeeyey inay jirto hal arrin oo
aanay marnaba ka galaynin wax shuruud ah ama gorgortan ah,
taas oo ah midnimada Soomaaliya. "Soomaali kalama maaranto,
Somaliland-na kama maaranto Soomaaliya" ayuu yiri Wasiirka
1-aad oo sheegay in markii la aasaasayey Somaliland sannadkii
1991-kii aanay cidna maanka ku haynin in wax la yiraahdo dal
Somaliland ah uu dhalanayo.
"Shirkii
Burco aniga iyo Ismaaciilba (Ismaaciil Buubaa) waynu ka qayb
galnay, mana jirin dad is lahaa Somaliland ayaa ka maarmaysa
Soomaaliya" ayuu yiri. "Cigaal, cidda uu metelo wuu yaqaan,
annana waan naqaan" ayuu yiri Cali Khaliif oo sheegay inay
doonayaan inay wada hadal la yeeshaan Cigaal. "Wada hadalladaasi
waxay ka dhacayaan Xamar ama Hargeysa" ayuu ku daray.
|