|
Niamey,23rd March 2004
By Banadir.com
Wasiirka Gaashaandhigga ee Dawladda KMG ah Mudane Adam Ahmed Cabdi iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa todobaadkii hore uga qayb galay caasimada Niger ee Niamey shirkii koowaad ee Wasiirada Difaaca ee dalalka la isku yiraahdo Siin-Saad ee Qaaradda Afrika.
Qodobada looga hadlayay shirkaana waxaa ugu muhiimsanaa xoojinta nabadgelyada guud iyo hirgalinta barnaamijka difaaca loo wada jiro ee Qaaradda . Wasiirka Gaashaandhigga waxaa ku wehliyay socdaalka uu ku tagay dalka Niger Mudane Yuusuf Calasow Maxamuud oo ah Ku-Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dawladda KMG ah.
Wasiirka Difaaca ee Dawladda KMG ah waxaa laga filayaa inay booqasho rasmi uga bilaabato dalka Isutagga Imaaraadka Carabta maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 27ka Maarso 2004.
|