|
1)Qardho,27ka December 2002
By Banadir.com
Xiisad ka dhalatay dil loo geystay guddoomiyhii degmada Qardho iyo ku xigeenkiisa, ayaa ka taagan degmada Qardho ee Gobolka Is-maamulka Puntland.
C/risaaq Jaamac Boobe iyo Maxamuud Xirsi Cali oo ahaa guddoomiye ku xigeenka magaalada Qardho ayaa waxaa dilay shalay maqribkii nin dhalinyara ah oo sitay qoriga boobaha ah ee AK-47 . Sida lagu soo warramayna, wuxuu ninkaa u baxsaday dhanka Koonfur-Galbeedka Qardho.
Dilkaasi ayaa xalaadda magaalada Qardho ku abuuray xiisado iyadoo laga cabsi qabo inay ku fidaan iska hor-imaadyadaas nawaaxiga magaalada
Qardho iyo magaaloyinka kale ee ku teedsan. Boosaaso ayey isgaarsiintu haatan go’an tahay kaddib markii maleeshiyada Col. C/laahi Yuusuf ay shalay ka aruursadeen inta badan isgaarsiinta goobahaasi..
Lamana oga u-jeedada ka dambeysa arrintan oo loo maleynayo inay tahay olole dagaal oo Col. C/laahi Yuusuf damacsan yahay inuu ku qaado deegaanada ay ku sii dambeeyaan taageerayaasha Jaamac Cali Jaamac.
2)Dagaal ka dhacay is-goyska Balack sea
By Banadir.com
Lix qof oo uu ku jiro wiil yar oo 10 jir ah ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen iska hor’imaad maanta oo jimco ah ka dhacay isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho.
Iska hor’imaadkan oo bilwoday maanta duhurkii. ayaa goobaha ugu badan ee uu dagaalku ka dhacay ay kala ahaayeen Isogyska Black Sea iyo nawaaxiga halka lagu magacaabo warshadda IFIS ee korontada siisa xaafadaas.
Kooxaha maleeshiyoooyinka iska soo horjeeda ayaa dagaalkooda lala xiriirinayaa labo beelood oo muddooyinka aargoosi qabiil u dhexeeyey.
Saameyn aad u ballaaran ayuu ku yeeshay dagaalkan nolosha dadka rayidka ah ee degan agagaarka is-goyska Black Sea, waxaana wada xiran dhammaan goobaha ganacsiga ee halkaas, iyadoo sidoo kalena ay kala joogsadeen isu socodka gaadiidka ee jidka black sea ee magaalada Muqdisho ..
|