|
Nairobi, 12ka Marso,2003
By Banadir.com
Iyadoo uu weli jahawareer darani ka jiro hogaaminta ergada Dawladda KMG ah ee ku sugan madasha shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee Caasimadda Kenya ka socda , kadib markii koox uu hogaaminayo Cabdiraxmaan Nuur Maxamed (Diinaari ) oo ah Wasiirka Ganacsiga Dawladda KMG ah ay shaaca ka qaadeen inay ka qayb galayaan shirkaas, ayaa waxaa xalay ka soo ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Ra’iisul Wasaare Xasan Abshir Faarax iyo Guddoomiye Cabdalla Deeroow Isaaq , iyagoo soo gaaray magaalada Nairobi subaxnimadii saaka (12/3/2003) .
Waxaana jira warar lagu sheegay in Cabdiqassim Salaad Xasan oo iminka ku sugan dalka Liibiya ay si weyn isugu maan dhaafeen Xasan Abshir arrinka la xiriira mowqifka ergada Dawladda KMG ah ee ku wajahan shirkaa , oo uu Cabdiqassim ayiday qolada diiday inay ka qayb gasho shirka, halka uu Xasan Abshir si bareera ah u taageeray dhanka kale .
Sida dhabtu tahayna, waxay dhacdadani soo shaac bixisay muranka iyo kala daadsanaanta ku jirta kooxda Carta oo awalba aan waxba ugu jirin gacanta, iyo inaanay jirin haba yaraatee barnaamij iyo qorshe u dhigan oo ay ku shir tagaan .
|