|
Waraysi uu manta na siiyay maamulaha warshadda biyaha Zam Zam ( Zam Zam Water System) Mr. Muuse Xassan Maxamed ayaa u sheegay bahda banadir.com in sababta loo aasaasay warshadan ay ugu wayn tahay baahida ay dadka soomaaliyeed u qabeen biyo nadiif ah oo jaban .
Banadir.com: Mr. Muuse maxay tahay sababta ugu wayn ee aad warshadan u dhisteen ?
Muuse Xassan: Runtii sida aad ka warqabtiin in muddo ahba magaaladdan Muqdisho waxaa ka taagnaa baahi ay dadka degan u qabeen biyo nadiif ah oo waliba ay dadka gadan karaan. Qofna kama qarsoona waxtarka biyaha nadiif ka ah , waxaana xoogga saarnay in waliba qof kasto uu ku heli karo qiimo jaban oo macquul ah.
Banadir.com: Sidee warshaddu ugu suurta gashay in waqtigan ay ka hirgasho Magaaladda Muqdisho oo xaaladeeda la og yahay?
Muuse Xasan: Ninkii aamiina ILAAH , dadaalna ku dara wax kasto waa u suurtoobaan. Magaaladda Muqdisho sida dibadda looga haysto ma aha .
Banadir.com: Side idinkuugu suurta gashaa in aad magaaladda ugu qaybisaaan biyaha?
Muuse Xassan: Inkastoo jidadka magaaladda ay burbureen, jidgooyaduna ayjirto mar mar, haddana waxaa warshadda awooday in ay magaaladda afafteeda dacal ay kaafiso iyadoo adeegsanaysa adeegyo kala duwan.
Banadir.com: Qiimo intee la eg ay warshadu ku bixisaa biyaha nadiifka ah?
Muuse Hassan: Halkii caag ( 20 Litir) waxaan ku bixinaa 10.000 Sh. Sh ($0.45 ). Kartoonkii ay ku jiraana (36 cups ) waxaan ku gadnaa 36.000 Sh. So. ( $1.25). Taas waxay ku tusaysaa in biyahan oo tayo la eg kuwa laga isticmaalo dibadaha ay warshadan gaarsiisay in laga cabo Muqdisho iyo agagaarkeeda , waliga qiimo aad uga jaban kuwa dibadaha. Waxaan u soo jeedin lahaa waxgaradka Soomaaliyeed ee dibaddaha joogo in ay u faa,iideeyaan dadka Somaaliyeed iyagana ka faa,iidaystaan .
|