|
Muqdisho Times - Nov 13, 2002 - Shirkii Eldoret wareegiisii Labaad oo shalay la isku dayay in la isugu yimaado ayaa markii ay Kooxaha Soomaalida soo wada xaadireen madashii shirka buuq iyo fowdo ku bilowday.
Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa soo jeediyey in shirka laga saaro Jaamac Cali Jaamac oo ka soo qeyb galay shirka, Jaamacna wuu ka diiday, waxaana la sheegay in ay isku af dhaafeen isla markaana ay isu xeyxeyteen.
Labada Hoggaamiye Kooxeed oo gacan ka hadal iskula baaciyey ayaa waxaa kala dhex galay qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha shirkiina waxaa harreeyay buuq iyo sawaxan, iyadoo Kooxaha Soomaalida ee shirkaasi ka qeyb galay ay halkii ka oogeen Mudaaharaad ay ku dhaliilayaan Col. C/llaahi Yuusuf iyo weliba sida la sheegay dowladda Itoobiya, marka laga reebo Xubnaha Kooxda SRRC oo iyagu la safnaa C/llaahi Yuusuf.
Markii in muddo ah uu Mudaaharaadku socday ayaa kadib madashii lagu kala yaacay, waxayna Kooxihii bilaabeen in ay u shiraan gaar gaar.
Guddiga farsamada IGAD oo warcad ka soo saaray arrintaa ayaa sheegay in ay isaga kala dhex baxayaan Soomaalida iyadoo warkaa cad lagu sheegay in ay iyaga dhexdooda isa soo xaliyaan kadibna shirku wareegiisa labaad dib u furmo.
Warkan cad oo ay soo saareen Guddiga farsamada IGAD ayaa qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Kooxuhu sheegeen in aysan suuragal ahayn oo dad iyaguba dagaalsan ay dhexdooda ka heshiineynin ilaa laga heshiiyo, waxaana la sheegay in Kooxdaasi ay warqad furan u direen guddiga farsamada IGAD oo ay ka codsadeen in arrinta la soo farageliyo oo aan Soomaalida la isaga dhex bixin.
Lama oga waxa xaalku ku dhammaan doono, iyadoo xalal warar xalay waqti dambe soo baxeen ay sheegeen in Guddiga farsamada IGAD war ay soo saareen ku sheegeen in ay guddi u saareen khilaafka ka dhaxeeya Col. Jaamac iyo Col. C/laahi Yuusuf inta ka horeysana aysan labadoodu shirka geli karin inta laga xalinayo khilaafaadkooda.
iyadoo C/llaahi Yuusuf uu ku haddiiba Jaamac Cali Jaamac uu madasha shirka lugaha soo geliyo, Xubnaha dowladda KMG uga qeyb galaya shirkaas oo iyagana Jaamac Cali garab & taageero u ah ayaa iyaguna soo jeediyey in Jaamac xaq u leeyahay inuu shirka soo fariisto, iyagoo ku andacooday in ay jiraan Hoggaamiye Kooxeedyo degaanadooda laga qabsaday oo shirka fadhiya iyadoo kuwii ka qabsadayna ay dhinac fadhiyaan wax dood ahna aysan ka keenin arrintaas.
|