Mogadishu,15ka March 2004,
By Banadir.com
Bilahan danbe muran xoog leh oo ka taagnaa Xaruunta Qunsulliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Dubai oo ku taala dalka Imaraadka, una dhexeeya Qunsulka Guud Maxamed-Yarow Mayow iyo Ku-Xigeenkiisa Cabdinaasir Aadan (Seerjito) ayaa noqday mid gaaray heer xun oo fara ka-hadal ah . Sababtuna waa Qunsulka Maxamed-Yarow oo u diidan ku-xigeenadiisa Xoghaye Koowaad Maxamed Barrow Geedi iyo Xoghaye 1aad Cabdi-Naasir Adan (Seerjito)xaqa ah inay wax la saxiixaan, oo sida caadada ahaan jirtay la wadaan hawsha Qunsulliyadda .
Sida laga warqabo, markii uu Qunsulka Maxamed yarow u ahaan jiray ku-Xigeen Qunsulkii Guud ee hore Cabdulqaadir Xersi Ismaaciil, waxaa dhamaanba hawsha Qunsuliyadda siday u dhan tahay inta badan wadi jiray Maxamed Yarow . Markii uu iminka u diiday Maxamed Yarow xaqa ay saraakiisha ku xiga u leeyihiin inay la wadaan hawsha Qunsulliyadda ee ah bixinta iyo cusbooneysiinta Baasaboorada Soomaaliyeed , tasdiiqinta shahaadooyinka iyo waraaqaha rasmiga ah iyo hawlaha kale ee ku saabsan taakuleynta bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Dubai iyo agagaarkeeda, gaar ahaan kuwa sida micna darada ah ugu xabisan muddo dheer madaarada Dubai iyo Shaariqa iyagoo wata baasabooro been-abuur ah, ayuu soo dhexgalay arrinkan dhamaadkii bishii December 2003 Safiirka Soomalida ee fadhiya Abu Dhabi Xuseen M. Bulaale (Daqare), isagoo faray Maxamed Yarow inuu hawsha qaybiyo. Laakiin amarkiisa Maxamed Yarow ma fulin.
Waxaa sidoo kale mar labad warqad rasmi ah oo la xiriirta qaybinta hawlaha Qunsulliyadda soo qoray Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda KMG ah Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg) bilowgii February 2004, laakiin gaashaanka ayuu ku dhuftay Maxamed Yarow amarka Wasiirkii isagaba (maxamed-Yarow) u soo dalacsiiyay jagada uu iminka hayo ee ah Qunsulka Guud. Xuseen Saalax Muuse oo ah Ku-Xigeenka Ra'iisul Wasaaraha Dawladda KMG ah oo isna isku dayay inuu ku xaliyo dhibaatadan magaalada Dubai ayaa sidoo kale ku guuleysan waayay.
Markii ay xaaladdu halkaa mareyso oo dhowr jeer ay gaartay in gacanta la isula tago, ayaa Ra'iisul Wasaaraha dawladda KMG ah ugu wada yeeray Xamar dhamaan Saraakiisha isku haysata Qunsulliyadda Guud ee Dubai . Col. Maxamed Barrow Geedi iyo Abdinaasir Aadan (Seerjito) labudaba waa ay yeeleen amarka Ra'iisul wasaaraha , weyna soo galeen Muqdisha, Laakiin Maxamed Yarow ilaa iyo iminka ma uusan fulin amarkaa.Wuxuuna ku sugan yahay Dubai.
Sabtidii dhoweyd ee taariikhdu ahayd 13ka March 2004, oo afarta Danjire ee Soomaaliya u fadhiya dalalka Sacuudiga,Imaaraadka, Kuwait iyo Qadar u baqooleen magaalada Xamar , oo la filayay inuu Maxamed Yarow raacana , ma aysan dhicin oo wuu ka haray .
|