|
WAR
SAXAAFADEED
Shir ay manta ku yeesheen
magaaladda Nairobi beesha Mudullod oo ka mid ah beelaha dega Taas oo ku cad warqada ay si wada jir ah u soo saareen taarikhda markay ahayd 31/01/06 loona qoray Ambassador Francois Fall, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo Ambassador Eric Van del Lindel, Madaxa Ergada Midowga Yurub u qaabilsan Somaliya, iyo dhamaan hay'adaha calaamiga oo fadhigooda yahay Nairobi, kuna saabsaneyd magacaabid guddi qaban qaabo oo loo xilsaaray kal fadhiga baarlamaanka ee Baydhabo oo loo qorsheeyay in uu dhaco 26/02/06. Guddigaas oo hawshiisa
tahay sida hoos ku qoran: Waxaa kaloo wax lala yaabo ah in Guddomiyaha Barlamaanka uu warqad u qoro Madaxa Ergada Midowga Yurub oo ku dalbanayo dhaqaale lagu nabadeynaayo Baydhabo, taaso la qoray tariikhdu marka ay ahayd 27/1/06, iyadoo shirkana lagu dhawaaqay 31/1/06. Halkaasoo muujinaaysa in go'aanka ku dhawaaqidda shirka Baydhaba ay ka horeysay wada tashiga Madaxweynaha, Guddomiyaha Barlamaanka iyo Raisal Wasaaraha oo shirkoodu dhacay markay tarikhdu ahayd 30/01/2006. Arrimahaas oo dhan waxay caqabad ku yihiin hana qaadka dowlada faderalka iyo habsami u socodka hawlaha qaranka , waxayna jaha wareer iyo niyo jab ku yihiin dadaaladii hay'adaha caalamiga iyo dadweynaha Somaaliyeed oo ka dhur sugayay mirihii ka soo baxay dib u Heshiisiintii lagu qabtay Kenya. Waxaan ugu baaqaynaa in beelaha Somaliyeed iyo hay'addaha caalamiga ah ay ka badbaadiyaan ummadda Somaliyeed inay dib ugu noqoto dagaalkii sokeeye ee lagu hoobtay shan iyo tabankii sano ee la soo dhaafay. Ugu dambayntii Jaaliyadda
Muddulood waxaa ka go'an in dalka Somaliyeed loo helo nabad waarta iyo
dowlad wanaag ku salaysan cadaalad, sinnaan, horumar iyo in si buuxda
loo ilaaliyo mabaadi'da guud ee dimooqraadiyadda gaar ahaan sharcigu inuu
wax walba ka sareeyo(Rule of Law), sixidda iyo is dheelitirka(Check and
balance) awood kala qaybinta(Separation of powers) iyo isla xisaabtan(Accountability). |