Mudaaharaad
ka soconaya magaalada London
Waxaa
maanta ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska mudaaharaad ay
ka qeybgalayaan dad u badan Soomaali iyo xubno kale oo ka xun sidii
waxashnimada laheyd ee loogu gowracay dalka Sacuudiga dhalinyaro Soomaali
ah 4tii bishan April sanadkan.
|
Mudaaharaadkan
oo ay soo qabanqaabiyeen Soomaali isugu jirta Aqoonyahanno iyo
ururo ka jira magaalada London iyo urur xagga diinta ah oo ka
soo horjeeda dowladda Sacuudiga laakiin tirada wakiillada ka jooga
ay tiradoodu tahay ilaa 7xbunood, dhinaca kale xubnaha maanta
ka qeybgalaya banaanbaxa waxaa ka mid ah Cawaale Kullane, Maxamed
Nuur Tarsan, Sega Ruushka, Cabdixayi, Maxamed Owliyo iyo xubno
kale oo iyagu soo qabanqaabiyay
mudaaharaadka maanta.
Hadaba weli
wuu ka soconayaa mudaaharaadkan safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay
magaalada London horteeda iyadoo halkaasi ay joogaan ilaalo ka
socota Boliiska dalkan Britain.
|
|
Mudaaharaadkan oo biloowday 1dii duhurnimo ee saacadda London dhamaanna
doona abaarihii 6da maqribnimo ayaa weli halkaasi ka socda, waxaana
halkaasi dadka qudbado uga jeedinaya dadkii soo qabanqaabiyay mudaaharaadkan.
Dhinaca kale waxaa isna si xowli ah uga socda qabanqaabada mudaaharaad
kale oo isna ka dhici doona isla goobtaas maalinta Isniinta ah ee soo
socota bishuna tahay 18ka bishan.
Afhayeen u hadlay ayaa ii xaqiijiyay in mudaaharaadkan ay wadaan uu
wax badan ka bedeli doono qaababka ay u dhaci jireen kuwii ka horreeyay,
isla markaana ku eedeeyay in kuwa maanta banaanbaxaya ay taageero ka
heleyaan dhinaco Diimeed iyo kuwo siyaasadeed oo ujeedadoodu tahay wax
kale, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu cambaareyn dusha kaga tuuray laanta
Afka-Soomaaliga isagoo ku eedeynaya in ay u dhaqmayaan madaxdeeda sidii
idaacadaha hoggaamiye kooxeedyada ka jira Soomaaliya.
Freelance Somali Journalist
Allasow
London, UK