|
Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Eldoret ee ku taala galbeedka dalka Kenya oo uu ka soconayo shirka dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya ayaa sheegaya in shalay ay shir yeesheen qaban qaabiyayaasha shirka iyo hogaamiyayaasha kooxaha.
Shirkan ayaa la sheegay in qaban qaabiyayaasha shirka ay ku doonayeen in SRRC-du in tirooyinka dheeriga ah ay soo celiyaan min laba laba xubnood, inkastoo shirkaas oo xalay socday aysan jirin wax is faham ah oo dhex maray labada dhinac.
Sidoo kale dowladda KMG ah iyo ururada ku bahoobay G8-ka ayaa isku mowqif ka noqday qorshe la sheegay in IGAD ay ku dooneysay in halkaas laga dhiso Dowlad gacan ku sameys ah oo ay Mareykanka iyo IGAD iska kaashan doonaan meel marintiisa, taasoo ay si wada jir ah isugu af garteen Xasan Abshir iyo Maxamed Qanyare oo labada dhinac kala hogaa-minayay in ay isku argti ka noqdaan, isla markaana ay mideeyaan fikradahooda ku aadan arrintaas.
Dhinaca kale Dowladda Itoobiya ayaa iyaduna la sheegay in ay dooneyso in ay ka qeyb qaadato meel marinta Dowladda la sheegay in lagu dhisayo Eldoret.
|