|
Abu Dhabi,13th April,2005
By Banadir.com
Wefdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda dawladda Federaaliga Soomaaliya Mudane Salim Caliyow Ibrow ayaa shalay ka soo dagay garoonka dayaaradaha magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka.
Wefdiga oo ka qayb galaya shirka Wasiirada Maaliyadda iyo Gudoomiyayaasha Bankiyada dalalka Carabta oo lagu qabtay shalay iyo maanta Caasimadda Imaaradka ee Abu Dhabi, waxaa ku wehliya Wasiirka Guddoomiyaha Bankiga Mudane Maxamed Maxamuud Culusow iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Mudane Cabdulqadir Amiin Sheikh.
Waxa wefdiga Soomaaliyeed ku soo dhoweeyay garoonka dayaaradaha Counsellor-ka Safaaradda Soomaalida ku leedahay magaalada Abu Dhabi Mudane Xuseen Maxamed.
|