|
Nairobi,31st October 2001
Report prepared by Banadir.com
Madaxweynaha
Kenya Danial Arab Moi oo ku qaabilay maanta guriga Madaxtooyada
ee Nairobi wefdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dawladda KMG
ah ee Soomaaliya Cabdiqassim Salaad Xasan, ayaa ku tilmaamay
midnimida Somalia inay tahay muqadas, isagoo ugu baaqay inay
Somalida ka faa'iideystaan fursaddan qaaliga ah ee shirka
heshiisiinta Nairobi, geeska Afrikana uu nabad u baahan yahay,waxna
uusan kala hari doonin dadaalka uu ka wado sidii loogu soo
dabaali lahaa geyiga Soomaalia nabad waarta .
Sidoo
kale, wuxuu Cabdiqassim ugu mahad celiyay Madaxweyne Moi dadaalka
uu ka muujiyay nabadeynta Somalia . Wefdiga Cabdiqassim oo
ay ku jiraan dhawr wasiir, uuna ka mid yahay xildhibaan Cali
Mahdi Maxamed waxaa saaka ku soo dhoweeyay garoonka dayaaradaha
ee Jomo Kenyatta Wasiirka Amniga Gudaha ee Kenya. Wuxuuna
Cabdiqassim u yimid inuu uga qaybgalo Kenya shirka nabadeynta
ee uu Madaxweyne Moi ugu yeeray inuu ku dhexdhexaadiyo Soomalida
.
Sidoo kale waxaa la sheegay in hogaamiye kooxeedyada mucaaradka
ah ee ku bahoobay ururka SRRC oo iminka ku sugan Magaalada
Godey ee dalka Ethiopia ay la soo xiriireen Dawladda Kenya,
iyagoo u xaqiijiyay inay imaanayaan Nairobi berri oo ah 1da
November 2001, waxaase hore u joogay Kenya Cusmaan Xasan Cali
(Caato) iyo Mawliid Macaana Maxamuud oo ah Xoghayaha Guud
ee golaha SRRC .
Habka
uu u dhacayo shirka iyo goorta la qabanayo ayaan weli la ogeyn,
laakiin waxaa ku hawlan qabanqaabada shirka Xafiiska Madaxtooyada
iyo laanta Sirdoonka ee Kenya .Labada dhinac ee la dhex dhexaadinaya
ayaa sheegay inay ku raja weyn yihiin in waxyaabo la taaban
karo ay ka soo baxaan shirkan.
|