|
By Abdullahi
Farah Qasim
FAALLO
GAABAN OO KU SAABSAN SABABIHI KEENAY XIISADDA MUQDISHO KA
TAAGAN !
Friday
12th October 2001
Laga
soo bilaabo 25kii August ee sanadkii tagay oo ahayd maalintii
lagu doortay Cabdiqassim Salaad Xasan magaalada Carta ee dalka
Jabuuti ilaa iyo maanta, waxaa hubanti ah oo cad in Xukuumadda
KMG ah ee uu madaxda uga dhigay Cali Khaliif ay si isdaba
joog ah u turaan-turooneysay, khaasatanna dhinaca dhaqaalaha
oo ay si weyn ugu hungowday. Xiisadda maanta ka ooggan Muqdisho
ma aha mid cusub ama bilow ah ee waa mid ku timid xil iska
yeelid la'aanta Xukuumadda KMG ah markii ay ka aqbashay ganacsato
gaar ah oo la yaqaan lacag been abuur ah oo dhan balaayiin
shillin oo kadibna sababay qiima dhac ku yimaada Shillinka
Soomaaliga iyo sicir barar xad dhaaf ah oo aad u wiiqay awoodda
wax-iibsiga ee danyarta .
Waxay
kaloo aqbalidda lacagtaa been-abuurka qabri ugu noqotay Dawladda
oo ku weyday kaalmadii yareyd ee ay dibedda ka heli jirtay
. Waxaa kaloo jira oo si aad ah u dhaawacay sumcadda Dawladda
KMG ah markii ay soo baxeen warar sheegaya in xoolihii lagau
soo helay magaca qaranka la kala lunsaday, taasina ay dood
ballaaran ka dhalisay baarlamaanka oo awalba ku saluugsanaa
Xukuumadda KMG ah xisaab-xir la'aanta iyo sida uu ku baxay
kharashkeeda.
Waxaa
xusid mudan in dhawr jeer ay xubno ka tirsan baarlamaanka
ku eedeeyeen Wasiirada ku-takrifalka xoolaha ummadda oo qaarkood
iska caadeysteen inay dibadaha iska wareegaan iyagoo ku safra
derajada koowaad (first class),qaarna ay dalkaba ka maqnaadaan
saddex ilaa afar bilood,dishibiliin la'aanta jirta awgeed
.
Dhanka
sugidda amniga oo Xukuumaddu sheegtay inay ahmiyad weyn siiso,
kharash culusina uu ku baxay , ayaa nasiibdarro ilaa iyo iminka
waxba ka naaso caddeyn oo ma jirto maanta waddo toosan oo
loo mari karo magaalada lafteeda, waayo meel kasta waxaa fadhiya
ciiddan ku abtirsada hogaamiye kooxeedyada, taasina waa guuldarro
weyn.
Ciidanka
Dawladda oo dhan sida la sheego ilaa iyo labaatan Kun waa
mid sida cad aan sugi karin nabadgelyada magaala madaxda Muqdisho,
mana aha mid fulin kara xitaa awaamirtii Dawaladda ay ku bilowday
canshuur ururinta, waana mid sida muuqata u taagan oo keliya
in wax lagu cuno .
Waxaa
ilaa iyo iminka Dawladda KMG ah ku soo biiray Maxamed Qanyare
oo noqday Wasiirka Kheyraadka Badda & Kalluumeysiga oo sida
la sheegay ciidankiisa aan ku soo darin kuwa Dawladda, kharash
xooganna uu ku baxay soo xera-gelintiisa. Waana hogaamiye
kooxeedka kaliya ee ku soo biiray Dawladda KMG ah, marka laga
reebo Xuseen Bood oo ka diiday inuu jago ka qabto, marka waxaa
is-weydiin leh waa maxay ujeedada ka danbeysa in Dawladda
KMG ah ay la heshiiso hogaamiye kooxeedyada ka soo horjeeda,
hadiiba aanay si taam ah ugu soo biireyn ? Hadaan wax ka iraahdo
dhismaha maamulka Dawladda, waa mid aan fari ka qodneyn, waayo
ma jirta Wasaarad qura oo ku jirta daartii ay lahaan jirtay
ama leh shaqaale u gaar ah (personnal). Sidee baa maamul ku
noqonayaa meelmar hadiiba aanu jirin wax aasaas ah ? Wasiir
wata magaca Wasaarad aan jirin baa ! Waa arrin yaab leh .
Siyaasaddii
Dawladda KMG ah ee ku dooneysay inay ku kasbato taageerada
Dawladaha jaarka ah oo ay ugu horreyso Ethiopia ayaa noqday
mid fashilmay. arrintaasna waa dib-u-dhac weyn oo ku yimid
aqoonsiga Xukuumadda KMG ah, waayo heshiiskii labada dhinac
ku dhexmaray magaalada Addis-Ababa horraantii sanadkan wuxuu
ahaa mid gundhig u noqonaya ictiraafka amxaarada ee Dawladda
ka jirta Muqdisho,taasina guul weyn ayeey u noqon lahayd Cabdiqassim,
halka ay ka wiiqi lahayd awoodda hogaamiye kooxeedyada .
Sida dhabtu
tahayna waxay Amxaaradu diyaar u ahaayeen inay wefdi u soo
diraan Muqdisho, Safiirna u soo magacaabaan .Waxaana arrinkaa
ka daliil ah mowqifkii haboonaa ee uu ka istaagay waagaa Danial
Arab Moi hogaamiye kooxeedyada markuu u diiday inayba soo
galaan dalkiisa, isagoo ku tilmaamay inay yihiin fidna wadayaalka
Somalia, waxaana oran karnaa waa isla-socod ka dhexeeyay Ethiopia
iyo Kenya marka la eego arrinta Soomaalia .
Tallaabadii
xigtay ee Madaxweyne Moi waa ognahay markuu dhawr todobaad
kadib inkiray jiritaanka Dawladda KMG ah, isla markaana xiray
xuduudii labada dal ee Kenya/Somalia .
Taasina
waxay ku timid xisaabtan la'aanta ka jirta maanta Muqdisho
iyo iyadoonba jirin wax qorsha oo Dawladda u degsan, oo aan
ka ahayn baahida maalintaa jirta mooyee. Isku soo wada dooboo
waxay xaaladda guud ee Dawladdu noqotay mid murugo leh oo
keentay in shacabkii danyarta ahaa uu adkeysan kari waayay,
markuu waayay nolol , arrinkuna gaaray in ilaaladii Cabdiqassim
ay rasaas ku dilaan dadweyne banaanbaxayay.
Taas ayaa
keentay inuu afka furto Guddoomiye Cabdalla Deerow, una sheego
Cabdiqassin in wax kasta ay xad leeyihiin . Bal aan eegno
halka ay ku danbeyso dooda ka furantay Baarlamaanka ee ay
kalsoonida uga ceshanayaan Dawladda KMG ah ee uu madaxda ka
yahay Cali Khaliif Galaydh.
|