|
Mas'uuliyiinta Hay'ada Sanduuqa Caafimaadka Dunida oo kula kulmay Raiisul Wasaare Geedi magaalada Brussels ee dalka Belgium
WHF waa urur caalami ah oo ka shaqeeya arrimaha la xariira wanaajinta caafimaadka ee beesha caalamka, (Octimal Health) ahmiyad gaar ahna siiya arrimaha la xariira wacyigalinta bulshada ee caafimaadka isla markaana haatan ku howlan barnaamijyo la xariira horumarinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya ayaa ay Masuuliyiintiisa gaar ahaan Gudoomiyaha ururka Prof. Emar Vogalaar iyo kaaliyaha hayada ee Soomaaliya Prof. Cabdulqaadir Ruumi ay iyagu hore u tageen booqasho shaqo dalka Soomaaliya magaalada Muqdisho bishii Abril 2005 tii, si ay wada hadal ula yeeshaan howl wadeenada caafimaadka ee ka howl gala magaalada Muqdisho.
Intii ay mauuliyiintaasi ku sugnaayeen magaalada Muqdisho waxay casharo ku saabsan nafaqaynta (Nutrition) ka bixiyeen jaamacada Banaadir ee Muqdisho sidoo kale masuuliyiintu waxay booqasho ku tageen qaar ka mid ah cusbitaalada magalaada Muqdisho sida cusbitaalka Madiina, Xayaat, xarunta SOS iyo xarunta caafimaadka indhahah ee Al-Nuur, sidoo kale waxay masuuliyinta hay'ada caafimaadka dunida heshiis la samaysteen jaamacada Banaadir heshiiskaasoo ahaa :Memorendum of Understanding.
Haddaba iyado laga tusmo qaadanaayo qorshaha hayadda caafimaadka Dunida waxay masuuliyiinta hayada Prof. Emar Vogalaar iyo Prof. Ruumi booqasho sharaf ugu tageen Raiisulwasaaraha DFKMG ah Soomaaliya oo haatan ku sugan magaalada Brussels, waxayna kala hadleen arrimo la xariira horumarinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya.
Wuxuuna Ra'iisul Wasaarha Soomaaliya Prof. Geedi soo dhoweeyey howlaha ururka sanduuqa caafimaadka dunida uu ka wado dalka Soomaaliya.
Sidoo kale Ra'iisul.Wasaaraha wuxuu cadeeyey in maanta lagu howlan yahay dib u dhiska dalka Soomaaliyeed, wuxuu kaloo intaa ku daray in dalka Soomalaiya ay ka jirana abaaro baan sidaas darteedna loo baahan yahay in la gargaaro dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
Sidoo kale wuxuu Ra'iisul Wasaaraha ahmiyado gaar ah siyey barnaamijyada la xariira nafaqaynta kuwaasoo uu ku tilmaamay in ay lagama maarmaan u yihiin nolosha biniaadamka.
Gudoomiyaha Hayada Sanduuqa Caafimaadka wuxuu sheegay ama uu xusey in hayadiisu ka shaqayn doonto howlaha la xariira horumarinta caafimaadka ee Soomaaliya.
Ugu danbayn kulanku wuxuu ku dhamaaday jawi wanaagsan oo is afgarad ah.
Saida Sheikh Ahmed (VIP)
Brussels Belgium
|