|
Dubai,24th Dec.2005
By Banadir.com
Waxaa xalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Allaha U naxariistee Mudane Maxamed Sheikh Cusmaan oo xilal duwan oo wasiirnimo ka soo qabtay dawladii Milatariga ahayd ee dalka xukumaysay 1969-1991.
Marxuumka oo ka tirsanaan jiray ciidanka Boliiska Soomaaliyeed wuxuu ka gaaray darejada Sareeye Guuto, isagoo ka tirsanaa 25kii xubnood ee Golahii Sare ee Kacaanka oo la wareegay talada dalka Soomaliya 21kii Oktoobar 1969.
Xilalka sare ee uu ka soo qabtayna dalka, waxay kala ahaayeen Wasiirada Maaliyadda, Hawlaha Guud iyo Warshadeynta iyo isagoo muddo gaaban Guddoomiye ka noqday Maxkamada Badbaadada dalka .
Marxuumku wuxuu ahaa nin hanti badan ku leh dalka gudihiisa iyo dibadiisaba,wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo afar caruur ah.
|