|
Amistardam,20ka Marso,2004
By Banadir.com
Waxaa shalay (19/03/2004) ku geeriyootay magaalada Amistardam ee dalka Holland Xaliima Khaliif Cumar (Magool)oo ka tirsanaan jirtay aas-aasayaasha Hobalada Qaranka ee Waaberi .Allaha u naxariistee , waxay Xaliima ku bilowday fankeeda dabayaaqadii kontameeyadii, iyadoo marka hore heesaha ka qaadi jirtay Raadiyo Hargeisa, kadibna u soo wareegtay magaala madaxda Muqdisha .
Sida wararka aanu ku helnay, waxay Xaliima Khaliif (Magool)dhowaan ku tagtay dalka Holland booqasho la xiriirta arrimaha caafimaadkeeda , iyadoo in muddo ah deganeyd dalka Isutagga Imaaraadka Carabta .
|