|
Xukuumadda
Federaalka KMG ah ee Jamhuuriyadda SoomaaliyaXafiiska Ra'iisul Wasaaraha
|
|
The
Transitonal Federal Government of the Somali Republic
Office of the Prime Minister
|
Ref:
OPM/042/05 22 Maarso 2005
MAGACAABID GUDDI
HEER QARAN
Kaddib markaan arkay baahida loo qabo in la sameeyo Guddi Heer Qaran ah
oo qorsheeya kana talo bixiya qaabka Xukuummaddu u wajahayso arrimaha
la xiriira nabadeynta, maamul ka dhisidda Caasiamadda Muqdisho, xareynta
maleeshiyooyinka iyo hubka iyo sidoo kale tababarradooda iyo ciidamayntoodaba,
waxa lagama maarmaan ah in Dawladda Federaalaka KMG ah ee Jamhuuriyadda
Soomaaliya ku tallaabsato barnaamij lagu soo nooleynayo sugidda amniga
iyo kala dambeynta isla markaasna dib loogu soo celinayo hannaankii iyo
bilicdii Caasimadda Soomaaliya ay lahayd.
Markaan dhageystey
talooyinka xubnaha labada gole ee ku aaddan xasilinta nabadgelyada magaalada
Muqdisho, dib u hawlgalinta xarrumaha dawladda iyo soo nooleynta adeegyada
muhiimka u ah nolosha bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho;
Waxaan Xubnaha Guddigan
Heerka Qaran ah ee soo socda u magacaabay fulinta hawshaas:
1. Mudane Inj Xuseen
Maxamed Faarax Caydiid
Ra'iisul Wasaare-kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha (Guddoomiye)
2. Mudane Xasan Maxamed
Nuur (Shaati)
Wasiirka Beeraha (Xubin).
3. Mudane Xasan Abshir
Faarax
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda (Xubin)
4. Mudane Mowliid
Macaane Maxamuud
Wasiirka dhulka iyo Degaameynta (Xubin)
5. Mudane Cabdulcasiis
Sh. Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka: (Xubin)
6. Mudane Cali Cabdullaahi
Cosoble
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada (Xubin)
7. Mudane Ibraahim
Sheekh Cali (Jeebbo)
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda (Xubin)
8. Mudane Cabdiraxmaan
Yuusuf Diiriye (Indhabuur)
Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud & Guriyeynta (Xubin)
9. Drs. Fahma Axmed
Nuur
Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Xubin)
10. Mudane Amiin Axmed
Sheekh
Wasiir-Kuxigeenka Wasaardda Ganacsiga (Xubin)
11. Mudane Xuseen
Cabdisalaam Maxamed
Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Dhulka iyo Degaameynta (Xubin).
Wasiiradda,Wasiiru-Dawlayaasha iyo Wasiir-kuxigeennada loo magacaabay
guddigan Qaran, waxaa lagu wargelinayaa inay hawshooda degdeg u billaabaan
iyagoo wada shaqayn iyo xiriir la yeelanaya qaybaha bulshada kala duwan
ee ka hawlgala Caasimadda. Guddigu wuxu warbixin joogta ah siinayaa Ra'iisul
Wasaaraha.
Hawl Wacan
Cali Maxamed Geedi
Ra'iisul Wasaaraha
P.o.Box 623 - 00606
Sarit, Tel. +254720576110 Fax +254-20-4452292/1
Email: premiersom@wananchi.com
|