|
Gaalkacyo,12ka Feb.2006
By Banadir.com
Madaxa Golaha Wasiirada dawladda kmg ah Federaalka Soomaaliya Prof. Dr. Cali Maxamed Geedi,oo uu weliyo Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf Axmed, ayaa kula kulmay shalay Koonfurta magaalada Gaalkacyo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheikh Adan .
Hadal rasmi ah oo lagu camal-falo oo ka soo baxay kulankan, oo aan ka ahayn in madaxda sare ee Dawladda kmg ah Soomaaliya ay ku muujiyeen goobtaas niyad-wanaag iyo hadalo gaa-gaaban oo ay halkaa ka soo jeediyeen, ayaan weli jirin .
Sida laga warqabo,Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Adan ayaa isku af-garan waayay dhamaadka bishii hore ee January 2006, in shirka soo socda ee Baarlamaanka Soomaaliyeed lagu qabto magaala madaxda gobolka Bay ee Baydhaba.
|