Hargeisa,16th
May 2002
Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa maanta
ku dhawaaqey qofka qabaanaya xilka madaxweyne ku xigeenka
Somaliland. Riyaale ayaa u Magacaabey Axmed Yusuf Yaasiin
oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland.
Riyaale
oo ka hadlaayey magaacibida ayaa sheegay in magacaabida
Axmed Yusuf Yaasiin in uu ku saleyay Axdiga isla Markaasna
uu u gudbiyey Golaha Guurtida iyo kuwa wakiilada.
Axmed Yusuf Yaasiin ayaa ku dhashay magaalada Hargeysa sanadku
markuu ahaa 1957, wuxuuna waxabarashadiisa ilaa dugsiga
sare ku qaatey magaalada hargeysa. sanadkii 1981 wuxuu dhamaystey
Diblooma xisaabaadka ah Jaamacada new Jersy ee dalka maraykanka.
Sanadkii
1979-1993 wuxuu ahaa ahaa Kormeere hawlaha gargaarka ee
Safaarada Maraykanka ee magaalada Riyaad ee Dalka Boqortooyada
Sucuudiga.
Sanadkii
1993-1997 wuxuu ahaa Gudoomiyaha Shirkada ganacsiga ee Dubai
xafiiskeeda Hargeysa. Sanadkii 1997 wixii ka danbeeyayna
wuxuu ahaa Mudane ka tirsan Aqalka Wakiilada.
Magacaabida
Axmed Yusuf Yaasiin ayaa dad badan ku noqotey arin ay la
yaabaan iyada oo aanu ka mid ahayn dadkii la filaayey in
jagadaan ay ku soo baxaan.
Madaxweynihii
hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa ku
geeriyoodey 03 May 2002 Dalka Koonfur afrika, Isla maalinkaas
ayaa Daahir Riyaale loo dhaariyey Xilka