|
Beirut,30ka November 2005
By Banadir.Com
Ra'iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa u diray Fariin qoraal ah Madaxweynaha Lubnaan Mudane Emiil Laxuud. Fariinta Prof. Cali Maxamed Geedi, oo uu guddoomay Madaxda Golaha Wasiirada Lubnaan Mudane Fu'aad Al-Sanyura, waxaa soo gaarsiiyay Ku-xigaha Ra'iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Iskaashiga Gobalada Ismaaciil Maxamuud Hurra oo iminka booqasha ku jooga caasimada Lubnaan ee Beiruut.
Ismaaciil Maxamuud Hurra oo saxaafadda la hadlay, la kulanka Ra,iisul Wasaaraha Lubnnan kadib, ayaa sheegay in fariinta qoraalka ah ee Prof. Cali Maxamed Geedi ahayd mid la xidhiidha hawl-gelinta qaraaradii Jaamacadda Carabta ku gaadhay shirkii Al-geris ee ku tacaluqay taakuleynta Soomaaliya, si loo sugo nabadda iyo xasiloonada gayiga Soomaaliyeed.
Wuxuu Ismaaciil Hurre ku daray hadalkiisa in la-kulankii uu la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha lubnaan uu ku dhacay jawi sare oo diirran oo is-afgarad leh, xukuumadda Lubnaan-na ay gebi ahaanba ayidsan tahay dadaalka dawladda Federaalka kmg ah ku doonayso inay ku sugto amniga iyo kala danbeynta dalka Soomaaliya.
|