|
Nairobi,26ka April 2004
By Banadir.com
Wareysi uu Xasan Abshir siiyay shalay (25/04/2004) Jariidada ku hadasha afka dawladda Imaaraadka ee Al-Itixaad, ayuu isagoo adeegsanaya laqabka Ra'iisul Wasaaraha Dawladda kmg ah, ku eedeeyay ururka IGAD inuu mas'uul ka yahay fashilka haysta shirka nabadeynta Soomaalida oo galay iminkadan marxaladii ugu danbeysay.
Wuxuu ku caddeeyay Xasan Abshir wareysigiisa in 70% xubnaha ka qayb galaya shirka ay isaga tageen madasha kulanka, mar hadii IGAD ay ka badin weyday inay ku qasabto madasha heshiisyo la soo diyaar gareeyay oo aan maslaxad ugu jirin Soomaalida, arrinkaas oo marnaba aan iyaga ka suurta-galeyn.
Xasan Abshir wuxuu kaloo soo qaatay ahmiyadda ay leedahay inay dalalka jaarka ee Ethiopia, Kenya iyo Djibouti oo meel uga soo wada jeesta sidii xal waara, oo aan lagu degdegin, loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya.
Dhanka kale,dibloomaasiga Kenyanka ee mas'uulka ka ah maamulka shirka Soomaalida Mr.Kiplagat ayaa isna ugu caddeeyay isla jariidada Al-Itixaad in wixii hadda ka danbeeya la geli doono qabashada marxaladii ugu danbeysay kulanka oo ah mid runtii xasaasi ah, iyadoo lagu casuumay Nairobi dhamaan madaxda qabaa'ilka Soomaaliyeed, si loo soo dhiso baarlamaan loo wada jiro oo Soomaali raali isaga tahay oo saldhig u noqda aas-aaska dawlad matisha qaranka dalkaas.
|