|
(CARUUSHA - TANZANIA)
Xulka kubbada cagta ee Somaliya ayaa maanta la diray 2 - 0 ka dib markii ay ciyaar ka tirsan
Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika ay ku dhex martay Magaalada Caruusha ee Wadanka Tanzania
Xulka Kubadda cagta ee Uganda.
Waxaa kaloo isla shalay Xulka Kubadda cagta ee Tanzania ay 1 - 0 direen Xulkii Kenya. Sidoo kale
Wadanka Ruanda ayaa isna 1 - 0 kaga badiyay xulkii wadanka ZanZibar.
Waxaa la filayaa in Xulka Somaliya uu ciyaartiisa labaaad kula yeesho Magaaladda
Caruusha Xulka Kubbadda cagta ee Ruanda Maalinta Talaadada ah.
Gudoomiyaha ku xigeenka Xiriirka Kubadda cagta Mr. Ibrahim Yabarow " Wiish" ayaa u sheegay wariyayyasha in xulka Somaliya uu muujiyay dadaal dheer inkastoo 2 - 0 looga badiyay.
|