Rotating Banner


Web Hosting
Main Page
Banadir Star
Latest News
BBC Somali


Books
  

Mogadishu Links
Somalia (60 - 69)
Somalia-Study
Somali Links
Chat Room


Topic of the week
Djibouti Conference


Search BBC News

 


 

CISMAAN CAATO OO XILKII GUDDOOMIYENIMADDA USC/SSA LAGA QAADAY

Xaflad si aad ah loo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 400 qofood oo isugu jira aqoon yahano wax garad, Dhalinyaro iyo Haween ayaa lagu qabtay xaruntii hore ee Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed shalayto. kulunkaas oo ayaa ahaa mid xilka Gudoomiye nimada looga qaadayay cusman Xasan Cali Caato oo ay waayadan dambaba xurguf weyn kala dhaxeysay beeshiisa , waxana isla goobtaas si xarako leh loogu doortay COLL; SICIID SALAD CILMI {BULBUL}oo isagu ah nin taariikh fac weyn ku leh gabihaan umada soomaliyeed gaar ahaana ururka USC waxaa sidoo kale gudoomiye ku xigeenana loo doortay mudane Aweeys Maxamed Xasan,C/Weli Xasan Ciise, Maxamed Axmed Huseen iyo Maxamed Nuur Wardheere, halka Xoghayaha Guud loo magacaabay Xersi Yuusuf Barre.

Xafladdii Shalay waxaa ka hadlay C/Weli Bariise Xuseen oo ah Guddoomiye-kuxigeenka USC-Asal, Nabadoon Salaad Ducaale Kaahiye, waxaana ka qeeyb-galay qaar ka mid ah taageerayaasha ururka USC/SNA ee garabka Xuseen Ceydiid oo ay ka mid ahaayeen Xaawa Cawaale Abtidoon (Xaawa-Yareey) iyo Haboon C/llaahi Bood.

Hadal uu halkaa ka jeediyay Guddoomiyaha cusub ayuu ku sheegay in xilka loo magacaabay uusan jecleysanayn, isagoo sheegay inuu halgan ku soo jiray 20-sano iyo 28-cisho, wuxuuna balan qaaday inuu xilkaasi si daacad nimo ah ku gudan doono isagoo ku eedeyay Guddoomiyihii hore inuu ka weecday hadafkii ururka.

Hore ayaa xil kaqaaadis nuucan oo kale ah lagula dhaqaaqay Taliyihii Ciidamada koonfur galbeed ee Maamulka Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayadoo isagana lagu eedey inuu ka weecday hadafkii halganka ee maamulkaasi, waxaana loo doortay inuu noqdo taliyaha ciidanka difaaca dagaanada mako iyo madiino MUDANE MAXAMED MUUSE MAXAMED.

DAB QABSADAY XERO QAXOOTI OO DHIMASHO SABABAY

Dab qabsaday xero qaxooti oo ku taala dhabarka dambe ee fagaaraha tarabuunka ee Muqdisho ayaa geestay qasaare fara badan. Dabkan ayaa la sheegay inuu ku dhintay wiil yar, ayadoo sidaa oo kale ay ku dhaawacmeen labo ruux oo kale, waxaana goobta dabkasi ka dhacay tegay C/Qaasim Salaad Xasan ayadoo dabkaasi uu galaaftay dhismooyin fara badan.

TIRA KOOB LAGU SAMEEYAY DADKA XAMBAARSAN VIRUS KA H.I.V GA EE SOMALILAND

Dad tiradooda lagu sheegay 370-kun oo ruux ayeey sheegeysaa war bixin la soo ururiyay in aay ku dhaqan yihiin dalka lamagac baxay Somaliland, kuwaas oo xambaarsan virus ka H.I.V ga.

Cudurkan oo inta badan dadka qaba ay isku qaadsiiyaan galmoodka ayaa la sheegay in ay jiraan dad badan oo cururkan u dhintay. Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa ku eedeyay in xanuunka H.I.V ga uu ka soo galay dhinaca xuduudaha wadamadda Itoobiya iyo Jabuuti oo u sheegay in uu si aad ah uga jiro cudurkaasi. Wasiirka oo ka hadlayay siminaar aqoon isweydaarsi ah oo weriyayaal aay ku baranayeen qaabka ugu wanaagsan ee looga hortegayo H.I.V ga ayaa shaaca ka qaday in si looga samatabaxo cudurka loo baahan yahay in laga fogaado galmoodka macsida ah.

XASAN ABSHIR , CISMAAN KALLUUN IYO XUBNO KA TIRSAN XUKUUMADDA KMG AH OO KA QEEYB-GALAY KAL FADHIGII 4-AAD EE GOLAHA BAARLAMANKA.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG ah Xasan Abshir Faarax , Kuxigeenkiisa Ing. Ismaan Jaamac Cali (Kalluun) iyo xubno la socday ayaa shalay ka qeeyb-galay kalfadhigii 4-aad ee Golaha Baarlamanka.

Doodii kalsooni siinta xukuumadda Cusub oo ay shalay ka hadleen 17-Xildhibaan ayaa intooda badan u codeeyeen in xukuumadda kalsooni la siiyo. Doodii doraad ee Xildhibaanada ayeey intooda badan soo jeediyeen in aan wax kalsooni ah la siinin xukuumadda cusub ee Dr. Xasan Abshir Faarax.

COL. C.I.D DA AH OO LOO AFDUUBAY KIISKII DILKA EE FREDA KARIER

Col. Cabdi Shirwac oo ka tirsan xarunta C.I.D da Muqdisho ee Dowladda KMG ah oo baaritaan ku sameeynayay kiiskii Freda Karier ee u shaqeyneysay Hayada la yiraahdo NEW WAY ee lagu dilay Degmadda Marke ee Gobolka Sh/Hoose ayaa xalay gurigiisa ay ka qafaasheen rag maleeshiya hubeeysan ah.

Col. Shirwac ayaa la sheegay inuu gacanta ku hayay wax yaabo cadeeynaya ciddii ka danbeeysay dilkii loo geeystay gabadhaa u dhalatay dalka Switzerland,si kastaba wararka leysla dhex qaadayo magaaladan muqdisho ayaa sheegaya afduubka COL; shirwac iney ka dambeeyaan maleeshiyo ku abtirsato ururka AL-ITIXAAD oo si xoogan u jooga degmada marka oo ahayd halkii lagu dilay haweeneydaas.

Ilaa iyo hadana lama garanayo halka uu ku sugan yahay coll shirwac dhanka kale Dowlada ku meel gaarka ayaa iyadu ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin falkaas.


Main Page | Latest News | Reuters News | A. Press News| Washington Post |Contact Us

Copyright 1999 banadir.com  All Rights Reserved

 



Your browser is not Java capable or Java has been disabled.

Previous News

March 2002 News
Feb. 2002 News
Jan 2002 News
Dec 2001 News
Nov 2001 News
Oct 2001 News
Sep 2001 News
Aug 2001 News
June 2001 News
July 2001 News
May 2001 News
April 2001 News
March 2001 News
Feb. 2001 News
Jan. 2001 News
Dec. News
Nov. News
Oct. News
Sept. News
August News
July News
June News
May News
April News
March News
February News
January News